allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

LACAGTII SACUUDIGA ku Wareejiyay Madaxweyne Farmaajo oo kala bar qaatay Fahad Yaasin, Markii ugu horeysay oo Fahad ka soo hor muuqday Saxaafadda, Muxuu ku mashquulsan yahay hadda,Daawo Sawirada

Intiina daraad oo Arbaco ahayd (Halkan ka furo), Shalay oo Khamiis ahayd Halkan ka furo  wararkeena ku soo baxay Newsomali waxaad ku aragteen Fahad Yaasiin Xaaji Dahir ayaa Madaxweyne Farmaajo kaga horeeya Sacuudiga, sidaas darteed markii ugu horeysay ayaa Fahad Yaasiin la arkay isagoo garab socda Madaxweyne Farmaajo.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Sacuudiga Farmaajo ayaa ku magacabay liiska wafdigiisa Fahad Yaasiin inuu yahay lataliyihiisa gaarka ah.
Laakiin Sarkaal ka tirsan safaaradda Sacuudiga ku leeyahay nairobi ayaa Newsomali.com uu sheegay in Fahad Yaasiin Visaha dal ku galka Madaxweynaha Sacuudiga isaga ka soo qaaday safaaradda Sacuudiga Nairobi.

Fahad Yaasiin oo ku magacaban Lataliyaha Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale waxaa uu mas”uul ka yahay magacabista Farmaajo Ra’iisal wasaare u magacabay Xasan Kheyre oo haysta dhalashada dalka Norway.

Ilo Muhiim ah ayaa u sheegay Newsomali.com in Boqorka Sacuudiga uu siiyay Farmaajo 30 Milyan oo Dollar, waxaana la sheegay in lacagtaas qeyb ka mid ah uu qaadanayo Fahad Yaasiin maadama saamiye siyaasadeed ku yihiin maamulka Villa Soomaaliya.

Fahad Yaasiin waa ninka ka go”da talada Madaxweyne Farmaajo, haatan waxaa uu ku mashquulsan yahay maadama uu ku guuleystay magacabista Ra’iisal wasaaraha soo xulida xubnaha Golaha Wasiirada.

Ninkan xiriirka qarsoon la leh dalalka carabta ayaa 2012 kii sabab u ahaa in Xasan Sheekh loo doorto Madaxweyne halka 2017 da sidoo kale ahaa ninkii soo saaray Farmaajo kana dhigay Madaxweyne.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Feb 24 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented