allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

SEDDAX GACAN YARE oo Farmaajo ku wehelinaysa Safarkiisa Sacuudiga, Fahad Yaasiin oo ka mid ah

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo gelinkii hore maanta gaaray Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya 3 ka mid ah Gacan yarayaashiisa oo mid ka mid ah kaga horeeyay Sacuudiga.

Fahad Yaasiin ayaa ka muuqday markii madaxweynaha la kulmayay Boqorka Sacuudiga sida ay Saxaafadda Sacuudiga shaaciyan.

Fahad Yaasiin ayaa ah maskaxda ka dambeysa Farmaajo, waxaa uu daah gadaashiisa ka maamulayaa Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo.

Taabit Cabdi Maxamed Safiir kuxigeenka Soomaaliya Mareykanka ayaa ka mid ah Xubnaha Safarka ku wehelinaya Madaxweyne Farmaajo.
Waxaa kaloo liiska ku jira C/risaaq Ahmed.

Boqorka Sacuudiga ayaa la sheegay in Farmaajo ku wareejiyay 30 Milyan oo Dollarka Mareykanka.

Su’aasha taagan ayaa waxay tahay lacagtaas halka ay aadi doonto, ma si gaar ah ayay ugu dhacaysa acountiga Madaxweynaha mise qasnada Dowladda ayaa lagu soo shubaya.

Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in lacagta ay tahay kaash oo aysan soo mari doonin banki caalami ah waxaase laga yaaba in ay soo marto xawaaladaha soomaalida.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Feb 23 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented