allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

FAHAD YAASIIN OO SACUUDIGA KU SUGAN iyo Farmaajo oo beri laga sugayo, Boqorka Sacuudiga oo Farmaajo gacanta ka saari doonao 30 Milyan oo Dollar

Fahad Yaasiin Siyaasi iyo Saxafi saameyn ku leh Siyaasadda Soomaaliya isla markaana tiro labo jeer soo dhisay labo madaxweyne /Xasan Sheekh 2012′)oo ugu dambeeyay Farmaajo ayaa ku sugan Sacuudi Carabi sida ay sheegayan wararka aynu ka helayno Sacuudiga.

Fahad Yaasiin ayaa waxaa uu yahay ergayga gaarka ah ee qarsoon ee Madaxweyne Farmaajo dhinaca wadamada Carabta, waxaa uu hordahac u yahay Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee maalinta beri lagu wado inay gaaran Sacuudi Carabi.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo maalinta beri marka uu gaaro halkaasi la kulmi doono Boqorka Sacuudiga.

Boqorka Sacuudiga ayaa shaaciyay inuu siin doono Madaxweynaha Soomaaliya 30 Milyan oo Dollar oo kaash ah.

Sababta Fahad Yaasiin u tagay halkaas ayaa qeyb ka ah lacagtaas.

Lacagta waxay ku dhacaysa Acount u gaar ah Madaxweynaha soomaaliya Farmaajo sida ay sheegayan ilo wareedyo muhiim ah.

Tani waxay qeyb ka tahay laaluushka iyo wax is daba marinta Madaxda Soomaalida oo marka lacag ka helaan dalal kale ku shubtaan acount iyaga u gaar ah ama ay u dhiibtan shaqsiyaad iyaga ku aamina lacagtaas kuwaas oo ganacsi ka sameeya.

Fahad Yaasin ayaa in Farmaajo Madaxweyne loo doorto 8 bishan sabab u ahaa isagoo lacag uu ka soo qaaday dalal carbeed ku soo saaray Farmaajo.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Feb 22 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented