allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

AMB MAXAMED CALI AMERICO Qaabkee ayuu Xayeysiin ugu sameeyay damaciisa Siyaasadeed Haddii loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya, DAAWO VIDEO IYO SAWIRO

Dabcan waxaa uu loolan adag la galaya tiro Musharixiin oo aad u fara badan oo uu ka mid yahay Madaxweynaha xilka haaya Xasan Sheekh Maxamud, dhamaan musharixiintaas ayaa waxa danac kaga jira inay mar uun fadhiistan Villa Soomaaliya.
Maxamed Cali Nuur Americo Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka kenya waxaa uu u ordaya in loo doorto Madaxweynaha soomaaliya, si u kasbado Xildhibaanada labada aqal maadama aysan dadka codkooda si toos ah u dhiiban doonin waxaa uu sameeyay Muuqaal xayeysiin ah oo lagu soo koobay hamigiisa iyo waxyaabaha u qorsheysan inuu qabto.

Wadan aan amni lahayn horumar ma gaari karo ayuu ku balan qaaday hadalkiisa ugu horeeyay muuqaalka xayeysiinta lacagta badan ku baxday.

Amb Americo ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay heli doonaan dhamaan wixii xuquuq ah oo ka maqan oo ay ka mid yihiin mushaarka iyo tababar tayeysan.

Sidoo kale Muuqaalka la soo duubay oo looga talagalay in dadka lagu soo jiito ayuu ku sheegay Amb Maxamed Cali in Ciidamada kala duwan ee soomaaliyed gaar ahaan kuwa jooga degaanada maamul Goboleedyada la mideyn doono.

Xayaysiinta Musharax Madaxweyne Amb Maxamed Cali Nuur Americo waxay qeyb ka tahay is muujinta siyaasadeed ee Ambasadorka la damacsan yahay inuu ku bartimaameedsado raga la loolamaya oo hadda hal cadow siyaasadeed wada leh kaas oo ah Madaxweynaha fashilmay Xasan Sheekh Maxamud.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jan 25 2017. Filed under Maqal & Muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented