allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

MUXUU FAARAX SHEEKH C/QAADIR ka badeli karaa Baarlamaanka haddii uu ku guuleysto ka mid noqoshada Gudoonka Baarlamaanka, Wax ka baro Noloshiisa bilow iyo dhamaad

Khudabadii taariikhiga aheyd ee Xildhibaan Faarax sh/ C/Qaadir ka jeediyay golaha shacabka baarlamaanka soomaaliyeed ayaa noqotay mid aad u xiiso badan oo qabsatay baraha bulshada ka xiriirto, taasoo shacab badan u riyaaqeen aadna u amaaneen
Xildhibaanka oo taarkhiidsa ku bilaabay ayaa sheegay in uu dugsiga sare kaga baxay magaalada baladweyne kadib labo sanno oo shaqada qaran ku soo qaatay xarardheere uuna aaday waxbarasho dibadda ah jaamacadda caalamiga ah ee Islamic international university in Islamabad Pakistan oo uu ku soo bartay shareecadda islaamka iyo qaanuunka, wuxuu yiri

“Waxaan dalka ku soo laabtay 1992 dii xiligaas oo ay yareeyd in dadka soomaaliyed ku dhiiradadaan jogitaanka dalka anigoo umadda uga soo shaqeeyay dhanka waxbarashadda, gargaarka biniaadanimadda, inagoo cagta soo marayay dhamaan goboladda dalka uu ka kooban yahay” ..”

Waxaan ku guuleeytay aasaasidda goobo waxbarasho oo dalka ka hirgalay sidda iskuulada ku bahobay daladdda waxbarashada FPENS iyo jaamacadda Simad ”

Faarax ayaa sheegay in uu wax badan ka badelay doono muuqaalka baarlamaanka ay noqon doonaanto meel loo soo hirto isagoo sheegay in baarlamaanka uu noqon doono mid ku mashquulsan danaha dalka, sharciyadiisa, hormarinta dastuurka iyo midnimadda umadda soomaaliyeed, waxaa kale uu seegay in uu kala shaqeyn doono gudoomiyaha baarlamaanka ajendayaasha horyaalo isagoo balan qaaday in uu ka qeyb qaadan doono casiriyeeynta golaha shacabka

Faarax ayaa sheegay intuu ahaa wasiirka madaxtoyadda soomaaliya in uu ka shaqeeyay dib u heshiisiinta iyadoo tusaale loo soo qaadan karo heshiiskii jubba 2013 oo baajiy in dhiig ku daado maadaama ay dagaalo badan ka dheceen.

Sidoo kale wxuu hormariyay wasaaradda caddaladda oo uu wax badan ka badalay, maxkamdaha dalka, xeer ilaalinta, danbi barista iyo maxaabiista isagoo ka dhigay wasaaradda mid aad loo xiiseeyo wuxuu ku guuleeysay anisixinta sharciyo badan oo baalrmanku ansixiyeen sida sharciga goalha adeeg garsoorka, sharciga maxkamadda dastuuriga, sharxiga xabsiyadda iyo maxaabiista, magaacaabidda gudiga adeega garsoorka, magacaabidda gudiga dib u eegista dastuurka iyo sharcigooda, sharciga xuquuqda caruurta, sharciga maxkamadda

Racfaanka, iyo xeer ilaalinta kuwaas oo bilaw fiican u noqday dib u soo unkumido heyadaha sharciga dalka..,

Hadaba waa kuma Faarax sheikh C/qaadir

Faarax Sheekh Cabdulqaadir Waxaan ahay muwaadin soomaaliyeed, ku dhashay Magaaladda Beledwayne ee xaruunta Gobolka Hiiraan sanadka markuu ahaa 21 -10 – 1996

Waxuu 20 kii sanno ee burburka ka soo shaqeeyay dhanka waxbarashada, dib u soo nooleeynta garaadka iyo maskaxda dhalinta soomaaliyeed si jiilka soo korayo u noqdaan jiil leh aqoon iyo aragti wanaagsan oo dhanka hormarka iyo wanaaaga ah madaama dowladii dhexe burburtay.

Waxuu ka soo qayb qaatay aasaasida Goobo waxbrasho oo laga hirgaliyay dhamaan gobolada dalka iyo jimaacado, sidoo kale waxaan ka qayb qaatay taakuleeynta iyo gargaarka dadka Soomaaliyeed mudooyinkii dhibaatada abaaraha ka jireen dalkeena taasoo ahayd muhiimada wayn in dadkeena laga samatabixiyo xaalada adag ee soo wajaho iyo xalinta khilaafaadka bulshadeena,.

Aqoonta: Faarax wuxuu ka qalin jabiyay jaamacada caalmaiga ah ee Islamabad (Internarial Islamic university in Islamabad) wuxuu bartay qanuunka iyo sharciga islaamka.

Khbiradaha Shaqada:

2007 – 2011, Kuwait: Lataliye Sare: Direct Aid: oo ah hay’ad kulmiso, Hay’addo gargaar, iyo waxbarasho oo ka kooban iskuulo iyo jaamacado ku yaalo dalaka afrika isagoo xafiisyo badan ka furay, wadamada kenya, Tanzania, Gambia, Zanzibar iyo waddamo kale oo badan

Sidoo kale wuxuu noqday u qaabilsanaha wakaaladda muslimiinta afrika dalka soomaaliya (African Muslims agency – AMA) isagoo ku guuleestay in 1992 ilaa 2000 iskuulo badan laga furo goboladda dalka

Wuxuu sdioo kale noqdau gudoomiaye ku xigeenka daladdda waxbarashada FPENS oo ah dalad ay ku bahooben iskuulo bixisana shahaadooyin caalami ah iyo minxooyin waxbarsho oo arday badan ka faaiiden xiliyadii bubburka

2012 – Xildhibaan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan illa hada ahay

2012 – 2013: Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyadda ee Dowladda Federalka ee Soomaaliya Soomaaliya

2014 – 2015: Wasiirka Caddaaladda iyo Arimaha Dastuurka ee Dowladda Federalka ee Soomaaliya Soomaaliya

Luqaadda aan ku hadlo

Soomaali, Carabi, English, iyo Kiswahili”

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jan 9 2017. Filed under Qormooyinka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented