Dagaal qasaare geystey oo ka dhacay deegaanka Xawaadley ee Gobolka Sh/dhexe

0
25

Iska horimaad hubeysan oo sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa uu habeenkii xalay ku dhex maray ciidamada dowlada meel ku dhow deegaanka Xawaadley oo dhinaca Koofurbari kaga beegan magaalada Jowhar 28km.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in iska horimaadkan uu salka ku hayo maamulka ammaanka deegaanka Xawaadley oo ah deegaan dhul beereedka ku wanaagsan.

Labo kamid ah ciidamadii dagaalka dhexmaray ayaa dhimatay, halka shan kalana ay ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan deegaanka Xawaadley.

Iska horimaadkan ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii lagu guuleysan waayay dadaalo lagu doonayay in lagu qaboojiyo xiisada u dhexeysay labada ciidan.

Dadka ku nool deegaanka Xawaadley iyo Raqaylow Buurdheere ayaa soo wajahday cabsi kadib markii dadka beeralayda ah ee halkaa ku nool ay ka warheleen rasaas xoogan oo dhacaysa.

Waxaa weli taagan xiisada ka dhalatay dagaalka iyadoo labada dhinac ee uu dagaalku u dhexeeyo ay u imanayaan gurmadyo xoojinaya.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ahoo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo Maamul Goboleedka Hirshabeelle ee la xiriira dagaalkan.