SIDA beelaha Puntland loogu qoondeeyay 3 da kursi ee lagu daray aqalka Sare

0
21

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo magaaladda muqdisho uga qaybgalay shirka Hoggaamiyayaasha madasha qaran ee muqdisho ayaa saddex beelood oo reer Puntland u qoondeeyay saddexda kursi ee Puntland ka heshay kuraasta lagu kordhiyay aqalka sare.

Gaas  wuxuu u qoondeeyay saddex kursi labo ka mid ah beelaha dega goboladda Sool, Sanaag iyo gobolka Cayn, iyadoo kursiga saddexaadna la siiyay beelaha shanaad ee Puntland

“Markuu la tashaday masuuliyiinta Dawladda Puntland wax garadka iyo aqoonyahanka Puntland waxa uu saddexdaasi kursi ee loogu daray Puntland u qoondeeyey in labo ka mida lasiiyo beelaha harti gaar ahaan beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli, sidoo kalena kursiga sadexaad ayaa waxa uu madaxweynuhu u qoon deeyey beesha shanaad ee deggan Puntland” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka madaxtooyadda

Gabagabadii, Afhayeenka dawladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraanjecel oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo magacaabi doono xubnahaasi.