XILDHIBAANO maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho

0
19

Waxaa Saaka mar kale dib uga billowday Magaalada Muqdisho doorashooyinka Xildhibaannada Aqalka hoose u matalaya Gobollada waqooyi Baarlamanka cusub ee Soomaaliya.

Xildhibaannada soo baxay ayaa waxaa ka mid ah Jamaal Xasan Ismaaciil oo 49 cod kaga guuleystay Sucaado C/laahi kaahiye iyo Sahra C/qaadir C/raxmaan oo iyana 48 cod kaga guuleystay Faadumo Faarax Maxamuud.

Waxaa sidoo kale doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka socda Muqdisha kusoo baxay Xildhibaannada kala ah Faaduma Xasan Cali iyo C/laahi Cusmaan Ducaale.

Weli waxaa xarunta Gaadiidka Boliiska ee Magaalada Muqdisho ka soconaya doorashooyinka Xildhibaannada Gobollada waqooyi, iyadoo Maalmaha soo socda lagu wado in lasoo gabagabeeyo si loo guda galo doorashooyinka Aqalka sare ee Gobolladaasi.