allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Maxaa ka dhaxeeya Howd iyo Reserve Area (Somali Galbeed) 1956 iyo Maanta Badda Somaliyeed ee qarka u saaran in lala wareego ?

In muddo ah waxaa jiray shirar kala duwan oo shirqoollo loogu maleegayey in mar kale badda Somaliyeed qeyb ka mid ah oo kheyraad ka buux laga gooyo dalka intiisa kale oo Kenya lagu daro. Inkstoo shirarakaasi loo yeelayey ujeedooyin siyaasaadeed, haddana waxay guntooda hayd sidii qorshahaas gurracan loo meel marin lahaa. Dacwadda badda ee hadda Hague taalla ayaa u dhow inay go’aan wanaangsan oo xaq ah ka gaarto arintaan, hasa yeshee waxaa socda dadaal la rabo in la abuuro Madax Somaliyeed oo dacwddaas la soo noqota, sida ugu dhakhsaha badan. Barnaamijkaas waxa ka shaqeynayey intii muddo ahba Somali iyo ajnabi ku heshiiyey inay arrintaas fuliyaan una maraan waddo kasta oo ay u ku gaari karaan.

Safiirka Imaaraadka Soomaaliya oo qaska taagan hadda hogaaminaya

Safiirka Imaaraadka Soomaaliya oo qaska taagan hadda hogaaminaya

Dalka Kenya oo sida muuqata arrintaas dadaal badan ku bixinaya ayaa waxaa uu la kaashanaya dalka imaraadka Carabta Safiirkooda u jooga Xamar Maxamed Axmed Cusman Alxamadi oo runtii ah shakhsi ay ka go’an tahay in qeybtaas badda ka mid ah ee Batroolka iyo macdanta leh Kenya lagu daro isagana uu dallaal ka noqdo inta cimrigiisa ka dhimanna uu ka helo dhaqale jogto ah. Safiirka oo xog hoose lagu helayo inuu hadda xaruunta maamulka safaaradda ka dhigtay magaalada Nayrobi –maamulayo/ waxaa uu si xoog ah uga shaqeynayaa inuu kobla uu kulmiyo kooxda uu isleeyahay waxaa la marsiin karaa aragtidaan, isaga oo ku farraqaya lacago badan isla markaana qaarkood u ballanqaadaya inuu barlamanka codadka ug iibin doono si ay mansab sare oo ay wax ku hallayn karaan dalka uga qabtaan.

Laakiin danjiraha wuxuusan ogeyn in dadka Somaliyeed iyo xildhibaannada qiimaha badan ee soo socda aysan cad quureed cuni doonin oo ay wali leeyihiin karti iyo dadnimo ay ku horjoogsadaan damaca raqiiska ah ee Kenya, danjire Alxamaadi iyo somalida la soo kireysto.

Waxaa wax laga xumaado aha in Mas’uuliyiin Somaliyeed ee xilal muhiim ah haya inay arrintaas ka qeyb qaadanayaan, iyagoo loogu sheegayo in iyaga lala raadin doono jagooyinka dalka ugu sarreeya, iyagana laga rabo inay hadda saxeexaan warqado ku taariikheysan laba maalmood doorashada madaxeynaha ka dib oo dacwadda lagu fashilanyo.

Sidii Hawd iyo Reserve area 1956

Shirar aan kala go’o lahayan kii u dambeeyey waxaa lagu qabtay dalka Kenya, Magaalada Nayrobi laguna baadigoobayo sidii loogu guuleysan lahaa in xeelad, xandho dhaqaale, mansab iyo awood wixii la heli karo la isticmaalo sidii loogu wareejin lahaa dhulkaas dalka Kenya, waxayna u egthay in lagu joogo waddadii Somaliya looga gooyey Hawd iyo Reserve area 1956 http://www.somalilandsun.com/contact-us/39-history/history/5661-somaliland-hawd-and-reserve-areas-1956-british-dilemma- laguna daray dalka Itoobiya. Waxaa aad loo isticmaalayaa markaan waa wax ma garato Somaliyeed oo dantooda raqiiska ah looga badabalanayo dhul badeed ay caruurteenna nagu habaari doonan haddii uu gacanteenna ka baxo maanta innagoo ceshan karna.
cumar-safiirka-280x175
Shirkii Nairobi waxaa ka qeyb galay Axmed Madoobe, Shariif Xasan, Cabduraxman Cabdishakuur, Cumar Cabdurashiid, Jibriil Ibarhim Cabdulle, dawladaha Kenya iyo Imaaraadka, waxaana diiradda lagu saaray sidii looga mira dhalin lahaa hawshaas oo ay ugu towfiiqsan lahaayeen mid iyaga ka mid ah oo ballanqaadaya inuu fulin doono damacaas waalan .

Cumar Cabdurashid iyo Cabduraxman Cabdishakur iyaga ayey ahaayeen raggii bohoshaan Somaliya u qoday. Sida la wada og yahay Cumar Cabdurashiid, Cabduraxman Cabdishakuur, Cabduraxman Ibbi iyo Sh. Shariifba waxay ahaayen raagii arrinkaan inuu dalka sidaan u dhaawaco suurageliyey, waxayna Kenya u suurageliyeen inay maanta nagu haysato dhulkenna oo ay rabto inay faraheenna ka bixiso inta aan awood buuxda u yeelan inaan bad iyo berriba daafacanno oo runtii ay wax yari nooga dhiman yihiin, laakiin aan u baahannahay inaan meel iska dhigno kala duwanaanta aragtiyeed oo aan mar waliba fiirinno maxaa ka baya danta guud. Ogow danta ayey danta gaarka ahi ku dhex jirtaa.

shariif-xasan_cusmani

Dagaalka Runta ah ee Badda

Muddooyinkan dambe waxaa la hubaa in horumar laga sameeyey arrintan badda ku saabsan waxaana lagu guuleystay in la horgeeyey maxakamadda Caalamiga ee addunka waxayna u dhowdahay inay oggolaato inay dacwaddaas ay dhageysato, laakiin hawsha dhabta ahi waxay jirtaa marka ay maxkamadda oggolaato in dacwadda badda la qaado. Dhaawac aan ka soo kabasha lahayn waxaa uu yahay hadii barnaamijka Kenya, Imaaraadka iyo Somaliada la socota ee kor ku xusan looga aamuso inay noqdaan madaxda go’aanka ka gaareysa 2017 waxaa la hubaa in Kenya loo xugmin doono dhul badeedkaas annagu aan ciil iyo caro la dhiaman doonno.

Rajo wanaagsan iyo Kalsooni.
Waxaan rajo wanaagsan iyo kalsooni buuxda ku qabaa in xildhibaannada cusub oo runtii ah kuwa caalamka la jaanqaadi karaa inay aad uga fiirsan inaan gacantooda lagu goyn qeyb dhulka Somaliyeed ka mid ah.

Maxaa haddaba Somalida hadda la gudboon:

Inaan aad uga fiirsano madaxda soo socota oo aan ku fududaanin si ayasn u dhicin sidii 1956 oo Howd iyo Resrve area la wareejiyey.

In la taageero cidda, loona hiilliyo wax kasta oo keeni kara inuu fashilmo damaca Kenya iyo Imaraadka iyo Somalida walalaha ee laakiin uu damacu wado.

In madaxda iyo maamul goboledyada lagula xisaabtammo doorka ay arrintaan ka qaataan, mustaqbalkana lagu abaalmariyo.
In lagula xisabtamo ciddii cadow uga hiillisaa ciidda iyo calanka maalintii awood loo yeesho.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Nov 21 2016. Filed under Qormooyinka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented