allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

4 SANO IYO MADAXWEYNE CUSUB MAXAY SOOMAALI UGA DHIGAN TAHAY,HORUMAR IYO DIB U DHAC, Ma siina Fursad kale Xasan Sheekh?

Dabcan cidna ma diidayso horumar siyaasadeed iyo is bedel in laga gaaro hanaanka siyaasadeed ee dalka, hase yeeshe waxaa muran ka taagan yahay wadadii loo mari lahaa tallaabooyinkii saxda ahaa ee dalka lagu horumarin lahaa.
hassan
Soomaaliya waa dal ka burburay hoose ilaa iyo meesha ugu sareysa, sidaas darteed in soomaaliya oo qaran ah lagu soo celiyo caalamka waxay u baahan yahay dhabar adeeg iyo waqti dheer, maxaa yeelay soomaaliya si la mid ah sidii Rwanda gacanta loo siiyay looguma xagir bixin sidaas darteed waa au adag tahay in si deg deg ah ku soo laabto.

Ka sokow, dagaalada sokeeyay ee wejiyada badnaa, is aamin la┬┤aanta beelaha soomaalida iyo is jiid jiidka siyaasiyiinta waxaa soomaalida sidoo kale dhibaateeyay jiritaanka hogaan mudadiisa ku ek tahay 4 sano, taas oo ah waxyaabaha halista geliyay horumarka dalka mar kasta dib u dhac u keena umadda.

Laga soo bilaabo 2000 Carte Madaxweynihii lagu soo doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan, Kenya, Cabdullaahi Yusuf Axmed 2004, Sheekh Shariif 2009 kii Jabuuti waxaa soomaaliya caqabad ku noqday horumarkeeda 4 sano iyo mar kasta Madaxweyne cusub.

Dastuurka kuma taalo Madaxweynaha 4 sano kaliya ha joogo balse waa mid caadi iyo dhaqan siyaasadeed ka noqotay soomaaliya.
Habada dad badan oo Siyaasadda ka faalooda waxay ku doodayan in 4 sano aan waxba lagu qaban karin, waxayna sheegayan in dalalka horumaray xataa 4 sano isbedel weyn lagu sameyn karin, saas oo ay tahayna dadaalka ma yara balse dal burburay oo soo kabanayo waa ay adag tahay in 4 sano wax walba lagu qabto.

Sidaas darteed dadkaas waxay ku doodayan in mudada Madaxweynaha joogayo laga dhigo 8 sano ama labo jeer fursad la siiyo si u dhameysto waxqabadkiisa ama ballanqaadkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud afar sano ayaa la doortay,wax badan waa uu qabtay wax badan waa ay harsan yihiin,wax walbana sidii loogu talagalay kuma dhamaan marka si safarkiisa dheer u dhameysto waxaa uu doonaya in mar kale lagu aamino Xafiiska.

Siyaasiyiinta Madaxweynaha kula tartamaysa naguma cusub marka laga reebo shaqsiyaad Madax ka soo noqday NGO yada Soomaaliya oo iyaga xataa waxtarkooda laga war haayo, ila ma ah inay wax badan soo kordhin doonaan haddii aqalka Madaxtooyada loo doorto ragaas.

Haddii ay is bedel keeni karaan maamuladii dalka soo maray ayay ka wada tirsanaayan markaas ayaa ugu yaraan laga dareemi lahaa waxqabad iyo ujeedo dheer oo mustaqbal ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh dhaliil iyo amaan waa uu leeyahay hase yeeshe waxaa loo baahan yahay fursad kale in loo siiyo inuu dhameystiro waxyaabaha ka harsan ballan qaadkiisa, waayo Madaxweyne Obama markii labaad ee uu doorashada galayay waxaa uu ku dooday in 4 tii sano xafiiska joogay wax badan ka qabtay wax badan ka harsan yihiin ballan qaadkiisa hore sidaas darteed waxaa uu dalbaday in shacabka mareykanka mar kale u codeeyan, Shacabka Mareykankana mar kale ayay codka siiyan.

Mar kasto oo Madaxweyne cusub yimaado waa caqabad kale oo hakin karta orodkii lagu socday, inta uu ka kala baranayo soomaalida iyo caalamka ayaa ah waqti dheer, wayna adag tahay in mar kasta iyo Madaxweyne cusub wax badan laga fisho.

Ugu dambeyn waxaan kula talin lahaa Baarlamaanka cusub inay si dhab ah u eegan xaalada dalka isla markaana fursad u siiyan Madaxweyne Xasan Sheekh inuu mar kale dalka hogaamiyo, danta guud iyo horumarka ayaa sidaas ku jirta haddii kale Madaxweyne Cusub iyo 4 sano waxay u dhigantaa meeshii shalay ka soo tagnay inaan dib ugu laabano ayna adag tahay in horey loo sii socdo.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Oct 15 2016. Filed under Qormooyinka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented