allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

SHEEKH SHARIIF Uma Diyaarsana inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, Mar kale ayuu Mas’uuliyad daro weyn muujiyay

Waxay ahayd halkii uu iska difaaci lahaa inuu qirto in uu ka dhacay qalalaad dhinac maamulka ah mudadii 3 sano ee Madaxweynaha KMG ahaa laakiin taas bedelkeedu Sheekh Shariif Sh Axmed waxaa uu muujiyay mas’uuliyad daro aad u weyn, taas oo hoos u sii dhigi doonto rajadii uu ka qabay in mar kale loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya.
shariifka
shariifkaSheekh Shariif oo xalay ka qeyb qaadanayay barnaamij dood ah ah oo ka baxay Telefishinka Somali Cable, isla markaana su’aalo lagu weydiiyay ayaa mid ka mid ah su’aalihii la weydiiyay aheyd arrinta Badda ee muranka badan dhalisay iyo walaaca Shacabka Soomaaliyeed ka muujiyeen in Badda Soomaaliya qeyb ka mid ah Kenya la siiyay.

“Marka ugu horeysa heshiiska is fahamka ee la saxiixay, cid akhrisay ma idinku jirtaa, ma waxaa ku jirta Bad la iibiyay iyo Bad la bixiyay, waxaas oo dhan waa la siyaasadeeyay, Baddan marka aan imaanayay soo baxday oo dadka oo dhan la abaabulay maxay tahay, sheekadan siyaasad waaye, Ra’iisul Wasaaraha idin jawaabay, Wasiirka idin jawaabay, anigana maba arkin warqad lagu saxiixay iyo meel lagu saxiixay ma ogeyn, hadey fiican tahay, dadkaas is ka leh, hadey xumaatana ayagaa leh”ayuu yiri Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

Hadaba si fiican u faham hadalka ah aniga ma ogeyn meel lagu saxiixay heshiiska is fahamka kenya iyo soomaaliya , mana ka war qabo heshiiskaas ma yahay wax uu ku hadlo qof maamulayay talada dalka.

Baarlamaankii waqtigaas jiray ayaa ka dooday heshiiska is fahamka kenya iyo soomaaliya si cad ayay u diidan Sheekh Shariifna arrintaas waa ka war haayay wuuna ka dharagsanaa.

Siyaasiyiinta Soomaalida inta badan garasha iyo qaadashada qalad dhacay aad ayay uga fog yihiin halkii ay ka qiran lahaayan qaladkooda waxay jaceyl yihiin inay is difaacan isla markaana is difaacooda siyaasadeeyan.

Cidna awal daah kama saarnayn in Sheekh Shariif uu yahay nin aan aqoonin maamul dowladeed, fursada uu Madaxweyne ku noqdayna waxay ahayd markii Xukuumaddii Nuur Cadde qalad Siyaasadeed gashay 2009 kii markii ay ogolaatay in Baarlamaankii markaas jiray lagu daro 275 Xildhibaan kale taas oo Sheekh Shariif Fursad u siisay inuu Madaxweyne noqdo.

Tijaabadiisa ugu horeysay inuu u tartamo Madaxweyne waxay ahayd 2012 kii markaas oo si awood badan looga cod badiyay waxaana guusha raacday Madaxweynaha xilligan Xasan Sheekh.

Haddii xalay qiran lahaa in uu qalad fara badan ku jiray heshiiska is fahamka kenya iyo soomaaliya markaas waxaa uu noqon lahaa nin dib u sixi doono qaladkiisa hore balse mar kale ayuu muujiyay inaan lagu aamini karin hogaanka dalka.

Welina Sheekh Shariif uma diyaarsana inuu qaado mas’uuliyadda hogaamineed ee dalka.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Sep 29 2016. Filed under Qormooyinka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented