Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Nawaaxiga Xeebta Liido

0
24

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga Xeebta Liido ee degmada C/casiis, iyadoo qaraxa kadib la maqlayo rasaas culus.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya halka rasmiga ah ee uu qaraxa ka dhacay, warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa baabuur uu ka dhacay meelo ku dhow maqaayado ku yaala hareeraha xeebta Liido.

Qaraxa ka hor waxaa magaalada Muqdisho qeybo ka mid laga maqlay rasaas iyo jug culus oo u muuqatay madaafiic la soo riday.