allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

MO FARAH oo dhigay Taariikh Cusub, Sawirada iyo Video

Xidiga Asal ahaan ka soo jeeda dalkeena Soomaaliya balse u orda Great Britain Mo Farah ayaa ku Guuleystey Oorodka Olombikada aduunka oo Tobanka kun Waxaana uu Cayaaryahakaan galay Buuga Taariikhda ee Cayaartoyda England.

Cayaaryahanka Mar dhulka ku dhacay intii uusan ka soo kaban oo uusan sii wadan Oorodkiisa kuna Guuleysan.

Mo Farah oo si Gaabis ah ku bilaabay Orodkaan oo ay kula jireen rag Caan ku ah Tobanka Kun ee Mitir ayaa waxa uu dhaafay wareegii ugu dambeeyey Orodyahanka dalka kenya ee Tanui kaas oo uu Xawaare ku dhaafay kagana Guuleystey.

Mo Farah oo ah Wiil ku dhashay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho qoyskiisu u qaxay England Markii dagaalo Sokeeye ka dhaceen halkaas ayaa noqday Cayaaryaahnkii ugu horeeyey ee Taariikhda dalalka laySku yiraahdo Great Britain oo ku Guuleysta 3 biladood oo dahab ah Waxaana lagu qori doona halka ugu Sareysa dhamaan Cayaartoydii dalalkaas soo martay.

Xidigaan ayaa Horay ugu Guuleystey 2 biladood oo dahab ah Cayaarihii olombikada aduunka ee London lagu qabtay 2012 kii waxa uuna lasinaa Nin England ah oo ku Guuleystey 2 biladood balse Xalay ayuu dhaafay Record Cusubna dhigay Cayaaryahan Mo Farah oo ka Guuleystey Cayaartoy badan oo dalalka Geeska Africa u dhashay oo horay in badan u qaaday biladaha dahabka ah ee Orodkaan.

2176 3157 11100 20 685 766 848 1028 1222 1319 1514 1711 1811 1910

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Aug 14 2016. Filed under Cayaaraha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented