allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Jibriil Ibraahim Cabdulle Ma laha Sifo hogaamineed laakiin dhaqan Jaajuus waa uu leeyahay:

Wejigiisa Saxda ah ee ay dadka ku yaqaanan waa inuu ka mid ahaa howl wadeenada Hay´adda CRD oo dhowr iyo taban sano ka hor dardar Siyaasadeed oo weji badan la soo gashay dalka, waxayna door muuqda ka cayaartay CRD arrimaha bulshada iyo Siyaasadda.
maxresdefault
Hase Yeeshe Jibriil Ibraahim Cabdulle oo inta badan ka soo muuqday shaashadaha hore ee bulshada rayidka ayaa mar walba damac iyo dareen kaga jiray inuu mar noqdo hogaamiye sare ama Madaxweyne hase yeeshe kartadiisa iyo awooda u leeyahay inuu wax hogaamin karo ayaa suáalo laga keenay.

Mid uu ku wanaagsan yahay waa jirtaa inuu yahay dhowrsan oo hadalkiisa aad u fiican yahay balse waxqabadkiisa iyo shaqsiyadiisa ayaa aad u liidata , ma laha sifooyinka hogaamineed iyo inuu u bac bac dhigi kara xaalada adag ee soomaaliya.

Dadka ka faalooda Siyaasadda Geeska afrika waxay leeyihiin Jabriil wax badan kama duwana Madaxweynaha Xilligan Xasan Sheekh ,sidoo kale waxay leeyihiin marka la is barbar dhigo Xasan Sheekh iyo jabriil waxaa sii liita Jabriil lagana yaabo haddii uu guuleysto meesha hadda Siyaasadda dalka Joogta meel ka sii liidato inuu geyn doono.

Labada qof waa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Jabriil waxay ka soo wada shaqeeyan CRD marka si kale loo dhigana qaabka ay soomaalida wax ku qeybsato waxay ka soo wada jeedan hal qoys.

Madaxweyne Xasan Sheewkh 4 sano oo talada dalka Maamulayay waxa uu geeyay meel hoose nidaamkii Dowladnimo ee laga sugayay waxaa uu Xukuumaddii iyo Maamulkii u gacan geliyay Maamul Goboleedyo oo la wareegay shaqadii Xukuumadda Federaalka.

Haatan Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu bilaabay inuu odayaasha dhaqanka beeshiisa iyo Siyaasiyiin lacag u qeybiyo kuna booriyay inay meel faqaaro ah ka yiraahdan beesha Mudullood waxaa musharax u ah Xasan Sheekh.

Odayaasha Xasan Sheekh Lacagta u gacan geliay waxaa ka mid ah nabadoonka Jabriil Ibraahim Abdulle Cabdullahi Geeddi sida uu qoray Bogga Internedka Goobjooge.com.

Haddaba Jabriil oo maalmahan ganacsatada Beeshiisa hoose qaraan dhaqaale ka ururinayay ayaa la filayaa in toddobaadyada soo socda ku dhawaaqo musharaxnimadiisa.

Laakiin dadka sida hoose ula sheekeystay Jabriil ayaa waxaa laga soo xigtay in Jabriil ku doodayo in reer galbeedka siiba Mareykanka iyo Yurub isaga taageersan yihiin maadama uu yahay is bedel doon, balse haddii Jabriil la doorto micno badan ma yeelanayso hogaamintiisa maxaa yeelay wax is bedelay ma laha Xasan iyo Jabriil waa isku mid.

Diblomaasi ku sugan kenya ayaa Newsomali.com u sheegay in Jabriil uu ka mid yahay dadka xad iyo jeer Safaaradaha dibadda la wareega dacaayadaha iyo ceebta dadka Soomaaliyed sidaas darteed la yaab ku noqotay qof noocaas ah inuu ku soo dhiirado hogaaminta dalka.

Dadka badan ayaa aaminsan in Jabriil uu jaajuus u ahaa mid ka mid ah dallaka awooda badan sidoo kalena taas si wada jir ah u wadaagan saaxiibkiisa hore C-qaadir Yaxye oo markii dambe Muqdisho lagu dilay in kastoo Yaxye uu dhintay hadana tuhun noocaas ah waa uu jiray dhowr jeerna waxaa laga qoray warbixinta waana sababta kooxaha is haaya Mareykanka ay u beegsanayan Yaxye iyo Jabriil.

Si kastaba waxaan ka war sugayaa ku dhawaaqista Jabriil Ibraahim Abdulle inuu yahay Musharax Madaxweyne doorashada 2016 ee sanadkan ka dhacaysa dalka Siyaasad ahaan faashilmay ee Soomaaliya.

Waxaa Diyaariyay Maxamed Muuse Cadaan

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jul 29 2016. Filed under Qormooyinka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented