C/qani Saciid Carab oo loo magacaabay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

0
56

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya C/qani Saciid Carab ayaa loo magacaabay Madaxweyne kuxigeenka Xiriirka Kubadda Cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Intii lagu guda jiray shirka Golaha fulinta CECAFA oo ka dhacay magaalada Khartoum ee dalka Sudan maalintii shalay ayaa Madaxweynaha CECAFA Dr. Mutasim Gafaar waxaa uu soo jeediyay in C/qani Saciid Carab loo magacaabo Madaxweyne kuxigeenkiisa.

FIFA

Mr C/qani ayaa mar kale dib loogu doortay xubinta Golaha Fulinta ee CECAFA, shan xilli, isagoo noqday ninka kaliya ee ka soo haray xubnihii hore ee Guddiga Fulinta CECAFA.

Dr. Mutasim ayaa sheegay in waayo aragnimada Mr Carab darteed, waxaa uu soo jeediyay inuu yahay ninka kaliya ee noqon kara kuxigeenkiisa

Guddiga fulinta ee CECAFA ayaa meel mariyay in C/qani Saciid Carab oo Soomaaliya ka socday inuu noqdo Madaxweyne kuxigeenka CECAFA wixii ka bilowday 4-ta Janaayo 2015

C/qani Saciid Carab oo muddo soo ahaa Xoghayaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa bishii Agosto sanadkii 2014 loo doortay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, kadib doorasho shaki la geliyay.