allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

BAL NALA ARKA SOOMAALIYEY Sida Muungaab u qeybiyay Jardiinadii Magaalada Muqdisho, Gurey Xaaji, Xasan Warshiiq, Caajis, oo la siiyay Afarta Jardiin iyo Midka Cabdicasiis, balse Yaa la siin doona kuwa Boondheere oo la dhisay, Qeybtii Koowaad

Intiini la socotay labadii Maalmood aynu ka soo gudubnay waxaan qoraalo ka soo diyaarinay dhul boobka ka socda Magaalada Muqdisho isla markaana boobka hantida qaranka uu horseed ka yahay Guddoomiyaha gobolka Banaadi ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”AQRISO DOCOMENTI :FADEEXAAD GEN MUUNGAAB oo Labo Shirkadood oo uu leeyahay ku wareejiyay Ururunta Cashuuraha Beriga iyo lacagaha laga qaada Gaadiidka ka shaqeeya Dekedda
1

Muungaab ayaa bixiyay inta badan Jardiinadii Magaalada Muqdisho isagoo siiyay shaqsiyaad caan ah oo si weyn loogu yaqaano Magaalada Muqdisho.(GEN MUUNGAAB OO DACWAD LAGA SOO GUDBIYAY, Halista amaan ee Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho oo laga digaya kadib Dhul laga iibsaday Shirkadda Hormuud oo Muungaab Sabab u yahay)

Hadaba qeybta maanta waxaan ku soo qaadanaynaa Sawiro aan ka soo qaadnay 4 jardiino dhanka shibis oo la siiyay ganacsadaha Gurey Xaaji, oo la dhashay Xaaskii hore ee Cali Mahdi Maxamed (Nuurto Xaaji), waana Ganacsadaha iska leh Hotel Maka Al Mukarama.

4 jardiino dhanka Yaaqshiid Midig waxaa la siiyay Ganacasde Xasan Warshiiq oo ay qaraabo yihiin Guddoomiye Muungaab.

4 Jardiino dhanka Boondheer waxaa la siiyay Oday Caajis nin lagu magacabo oo ah ganacside .
Beerta Nabadda waxaa la ii sheegay in la siiyay nin lagu magacabo Cabaas reer Sudan.

Jardiinka Degmada CabdiCasiis waxaa la siiyay Xasan Warshiiq

Hadaba waxaa yaab leh Jardiinadii dadka ku nasanayan isla markaana amaanka baabuurta adkeynayay haddii shaqsiyaad la siiyay xagee loo socdaa, aaway Dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo laga rabay inay arrintan ka hortagto.

4 jardiino dhanka Yaaqshiid Midig waxaa la siiyay Ganacsade Xassan Warshiiq

4 jardiino dhanka Yaaqshiid Midig waxaa la siiyay Ganacsade Xassan Warshiiq

4 jardiino dhanka shibis waxaa la siiyay Ganacsade Gurey Xaaji Waa Milkiilaha Hotel Maka Al Mukarama

4 jardiino dhanka shibis waxaa la siiyay Ganacsade Gurey Xaaji Waa Milkiilaha Hotel Maka Al Mukarama

Beerta Nabadda waxaa la siiyay Cabaas reer Sudan

Beerta Nabadda waxaa la siiyay Cabaas reer Sudan

4 Jardiino dhanka Boondheer waxaa la siiyay Oday Caajis waxaana la dhisay waa u jeedan

4 Jardiino dhanka Boondheer waxaa la siiyay Oday Caajis waxaana la dhisay waa u jeedan

Jardiinka degmada CabdiCasiis waxaa la siiyay Xassan Warshiiq1

Jardiinka degmada CabdiCasiis waxaa la siiyay Xassan Warshiiq1

Jardiinka degmada CabdiCasiis waxaa la siiyay Ganacsade  Xassan Warshiiq oo jufada Muungaab u dhashay

Jardiinka degmada CabdiCasiis waxaa la siiyay Ganacsade Xassan Warshiiq oo jufada Muungaab u dhashay

Jardiinada Degmada Boondheere waa la dhisay, waxaa la ii sheegay inay hay”ado dhiseen, hase yeeshe maalmaha soo socda ayaa la qorsheynaya in shaqsiyaad lagu wareejiyo, Muungaab ayaa laga soo xigtay inuu bixin doono.

Hadaba Qeybta Hoose ka fiiri Jardiinadii Degmada Boondheere oo la dhisay isla markaana dad lagu wareejin doono
Boondheere3 Boondheere Boondheere1 Boondheere2

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jul 12 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented