allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

GEN MUUNGAAB OO DACWAD LAGA SOO GUDBIYAY, Halista amaan ee Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho oo laga digaya kadib Dhul laga iibsaday Shirkadda Hormuud oo Muungaab Sabab u yahay

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jen Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa lagu eedeeyay in uu cabirtay uuna bilaabay in uu boos boos u iibsado dhul Dowladu laheed oo kutaala Xerada Asluubta iyo agagaarkeeda kaas oo sida la sheegay xilligan ay ka taagan tahay dacwad u dhaxeysa Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Jen. Dahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe) iyo Muungaab.

Dhulka ku yaaka Xerada Asluubta iyo agagaarkeeda  ee hadda sida ba'an u iibsanaya Gen Muungaab

Dhulka ku yaaka Xerada Asluubta iyo agagaarkeeda ee hadda sida ba’an u iibsanaya Gen Muungaab

Muungaab ayaa la sheegay in uu cabir saaray dhulka Xerada Asluubta iyo dhulal kale oo ku dhaw halkaasi oo mar sii horeesay laga barakiciyay dad masaakiin ah oo intooda badan kasoo cararay abaartii dalka ku dhufatay sanadii 2012-kii.

Duqa Muqdisho ayaa siyaabo hoose lacago looga qaatay lagana iibiyay dhul kuyaala Asluubta ay Dowladu leedahay iyo dad kale oo u badan eheladiisa waxa uu ku wareejiyay Suburlooga iyo rajabudka Dowlada hoose ee Xamar.

Gen Muungaab oo ka taajiray iibsiga dhulal dan guud ahaa oo laga iibsaday shirakadaha ganacsiga, halka qaar kale dhulalkaas la siiyay shaqsiyaad

Gen Muungaab oo ka taajiray iibsiga dhulal dan guud ahaa oo laga iibsaday shirakadaha ganacsiga, halka qaar kale dhulalkaas la siiyay shaqsiyaad

Duqa Muqdisho ayaa horey loogu eedeeyay in dhul danguud iyo xarumo Dowladu lahayd uu si hoose u iibsaday dad kalana uu ku wareejiyay.

Dhulalka Muungaab boobay kadibna ka iibsaday Shirkadaha Ganacsiga dalka ayaa waxaa ka mid ah Dhul ku yaala duleedka dambe ee Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho agagaarka Xiiray Qaasim kaas oo laga iibiyay Shirkadda Hormuud oo haatanka taagaysa Dhismo dad badan aaminsan yihiin inuu halis gelinaya amaanka Garoonka.

Dhismaha oo aad u dheer ayaa halis gelinaya nabadgalayada Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jul 11 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented