AQRISO DOCOMENTI :FADEEXAAD GEN MUUNGAAB oo Labo Shirkadood oo uu leeyahay ku wareejiyay Ururunta Cashuuraha Beriga iyo lacagaha laga qaada Gaadiidka ka shaqeeya Dekedda

0
2
Guddoomiyaha gobolka Banaadi ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab

Guddoomiyaha gobolka Banaadi ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab ayaa bartanka kaga jira Fadeexooyin Siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale kadib markii uu sameystay shirkado isaga leeyahay oo uu ku wareejiyay Ururinta Cashuuraha Beriga iyo lacagaha laga qaada Gaadiidka ka shaqeeya Dekedda Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadi ahna duqa magaalada Muqdisho  Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab
Guddoomiyaha gobolka Banaadi ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab

Sida ku cad Labo wareegto oo uu soo saaray Duqa Magaalada Muqdisho Mr Muungaab waxaa uu heshiis la galay Shirkad lagu magacabo INTIFAC MODREN TECHNOLOGY 23 KII MARSO 2015, heshiiskaas oo u ogolaanayay shirkadaas inay la wareegto DIIWAN GELINTA IYO URURINTA CASHUURAHA GURYAHA GOBOLKA BANAADIR.

Hadaba Newsomali.com oo dabagal ku sameysay heshiiska ay wada galeen Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab iyo Shirkadda Intifac ayaa waxay ogaatay in Shirkaddan uu leeyahay Muungaab isla markaana uga faa’ideeyay Saxiixiisa ama joogitaanka Xafiiska.

SHIRKADAN INTIFAC MODREN TECHNOLOGY  WAXAA ISKA LEH MUUNGAAB
Warqada


Muungaab ayaa la rumeysan yahay inuu dhaqaale fara badan ka sameeyay jagada uu ka haayo Maamulka Gobolka Banaadir, marka la eego lacagta uu maanta leeyahay, dhulalka uu yeeshay iyo noloshiisa hore aad ayay u kala duwan yihiin.

Isla xisaabtimi la’aanta ka jirta Soomaaliya iyo ka ganacsiga siyaasadda oo soomaaliya caan ku noqotay 24 sano ee la soo dhaafay ayaa waxay qeyb ka tahay hab dhaqanka Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”.

Dhinaca kale Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”Duqa Magaalada Muqdisho waxaa uu Hoyga Gaadiidka Dekedda Muqdisho ku wareejiyay Shirkad kale oo sida la sheegay uu isaga leeyahay inta badan taas oo lagu magacabo SHIRKADDA BAAKINNADA IYO HOYGA BANAADIR.

Hadaba yaan ku dheeraanin  wareegtada labaad ee  Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” soo saaray qeybta hoose ka aqriso.
5

Muungaab oo xubin ka ah Ururka Damul Jadiid oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ka tirsan waxaa uu dhibaatooyin ku haaya shaqaalaha Gobolka Banaadir isagoo haatan soo saaray wareegtooyin kale oo uu ku dhimayo mushaarka shaqaalaha Gobolka Banaadir,hase yeeshee lacagta laga jaray shaqaalaga ayaa  waxay ku dhacaysa jeebkiisa sida ay sheegayaan xubno ka tirsan shaqaalaha Gobolka Banaadir.

Musuq Maasuq haddii uu ka jiro soomaaliya waxaa uu ka jiraa Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, sida ay ku soo waramayan dad ku dhow dhow Muungaab haatan waxaa uu ka mid yahay dadka ugu taajirsan Siyaasiyiinta Soomaaliya, darajadaas waxaa uu gaaray wax ka yar 2 sano uu uu xafiiska joogo, Muungaab ayaa xilka loo magacabay  February 27th, 2014.

FG AH:Waxaan idin soo gudbinaynaa dhulal Muungaab dad siiyay, kuwa isaga leeyahay, derjinadii Magaalada Muqdisho sida loo bixiyay iyo fadeexooyin kale oo Gen Muungaab dhexda ka taagan yahay,