allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

DAAWO SAWIRADA:Taariikhda kama dhicin dalka Holland bandhig lala meel dhigi karo kii xalay Farxiya Fiska iyo Farxiya Kabayare ka dhigeen Rotterdam, WARBIXIN IYO SAWIRO

Waxay ahayd habeen ka mid ah habeenada ugu yaabka badanaa Soomaalida Holland degan, Taariikhda inta la og yahay-na Holland kama dhicin Show lala meel dhigi karo kii xalay Farxiyo Axmed Cadaawe (Farxiya Fiska) ka dhigtay Magaalada Rotterdam ee dalka Holland iyadoo gacan siinaysa Fanaanada kale Farxiya Kabayare.

Cidna daah kama saarnayn in Farxiya Fiska xilligan la jooga dhaqaajin karta niyada iyo qalbiga dadka ku xiran heesaha iyo inay islaamaha iyo dhalinyarada ka soo bixin karto guriyahooda taasina xalay waa dhacday,waxay muujisay awooda iyo miisaanka xilligan ku leedahay bulshada dhexdeeda.

Haddii habeen hore la daawaday shawgii Fartuun Cumar oo gacan ka helaysay fanaaniin reer holland , sida Laki Xaaji iyo kuwa kale hadana xalay wax kasta oo jiray waa la soo afjaray.HALKAN KA DAAWO SAWIRADA SHOWGII FARTUUN CIMAR EE HABEEN HORE

Sanadkan wixii shaw fan ah oo Holland ka dhacay xataa kooxda Waayaha cusub ma gaarin showgii xalay Farxiya Fiska.

Tirada dadka oo aad u batay ayaa sababay in dib u dhac ku yimaado bilawgii ama saacadii loogu talagalay inuu showga bilawdo.

Ilaa iyo 1:30 habeenimo markii ay saacada dhaaftay ayaa dadweynihii soomaaliyed waxay ka war heleen inay soo galeen maslaxa Farxiya Fiska iyo Farxiya Kabayare laakiin waxay awoodi waayan inay heesan, ku dhawaad nusa saac ayay qaadatay bal inay heesan in kastoo markii dambe qaab daran howsha ku bilaabatay.

Indhahayga waxaan saaray haween waayeel ah iyo caruur 7 jir aan ka weynayn oo xalay u soo daawasha tagay Farxiya Fiski iyo Farxiya kabayare.

Bandhigan oo xiiso gaar ah lahaa maadama Farxiya Kabayare meel isaga riixaysay Fartuun Cumar iyadoo ka war haysa in Holland ay ku soo wajahan tahay Kabayare dhejisatay ogeysiiska showgii habeen hore kaas oo xiisaha fanka sare u qaaday.HALKAN KA AQRISO DAGAALKA KABAYARE IYO FARTUUN CUMAR

Si kastaba Farxiya Kabayare awood intan la eg ma keeni lahayn haddii Farxiya Fiska aan ka soo qeybgali lahayn showgii xalay, waxaa showga xiiso iyo inay dadka soo baxaan sabab u ah Farxiya Fiska.
122
23 24 25 27 28177 222 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 27 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented