DAAWO SAWIRADA IYO VIDEO:Showgii Fartun Omar iyo wixii xalay ka dhacay Magaalada Utrecht,

0
1

Habeenkii xalay ahaa waxaa Magaalada Utrecht ee dalka Holland ka dhacay Showgii Fartun Omar oo ka mid ah fanaaniinta Soomaalida ee degan Waqooyiga America.WARKII SHALAY DAGAALKA LABADA GABDHOOD AAN KA QORNAY
2 3 4 5 44 55 1
Showgii Fartun Omar ee dalka Holland ayaa loo dheg taagayay sababtana waxay tahay dagaal dhinaca fanka ah ayaa waxaa kala dhaxeeyay gabadha kale ee Waqooyiga Mareykanka ka timid Farxiya Kabayare oo iyadana caawa oo 26 ka bisha December Bnadhig Faneed ku qabanayso magaalada Rotterdam.
9 7 8
Inta badan dhalinyarada iyo dadka arrimaha fanka la socda ayaa waxay ka war sugayan bal saameynta Farxiya Fiski oo taageeraysa Farxiya Kabayare ku yeelan doono bandhigii xalay ee Fartun Cumar isna ka dhacay Magaalada Utrecht, dadka qaarkiis waxaa ay sheegayan in hoolkii xalay aad loo soo buuxsamay halka kuwa kale ay ku doodayan in wacdarada Farxiya Fiski caawa dalka Holland dhaqaajin doono isla markaana dad badan ka qeybgali doonaan.

In kastoo Newsomali.com si dhexdhaxaad ah wararka labadan fanaan u soo gudbinaysay ayaa waxaa inoo suuragalay inaan helno Sawirada iyo muuqaalka Bandhigii xalay ee Magaalada Utrecht iyo Fartuun Cumar.

Newsomali.com waxay ka soo qaadatay Sawirada iyo Muuqaalada Bogga ka faalooda arrimaha Fanka si aad ahna ula socday Bandjiga Fartun Cumar Filmsheeg.com

Tafatiraha Filmsheeg oo xalay goobjoog ka ahaa Xafladii Fartuun Cumar ayaa u sheegay Newsomali.com inuusan weligiisa arkin hoolkii xalay sidii loo buux dhaafiyay marka uu barbar dhigo dhawr barnaamij oo uu halkaas ka qabtay isaga hadda ka hor.