DAGAALKII SUUQA GANACSIGA FANKA:Fartuun Cumar iyo Farxiya kabayare xiisihii bandhigooda u dhaxeeyay waxaa dab ku sii dhiday Farxiyo Fiski

0
2
FARXIYA FISKI, ALI YAXYE IYO FARXIYO KABAYARE

Horey loogama arag dalka Holland dagaal faneed u dhaxeeya qaar ka mid ah fanaaniinta soomaalida ee ka macaasha bandhigyada fanka hase yeeshe dhamaadkii bishan Decembar ayaa waxaa ku soo kordhay Soomaalida Holland degan dagaal dhinaca fanka ah oo u dhaxeeya labada haween ee degan waqooyiga America Fartun Cumar iyo Farxiya Kabiyare oo ka mid ah gabadha sanadahan dambe aad u kacsan.

FARXIYA FISKI, ALI YAXYE IYO FARXIYO KABAYARE
FARXIYA FISKI, ALI YAXYE IYO FARXIYO KABAYARE

Markii hore Farxiya Kabayaer oo taageero ka helaysay Fanaaniinta Holland degan  ayaa waxay dhejisatay Ogeysiis ay ku sheegayso in 26 bishan Decembar ku qaban doonto Magaalada Rotterdam bandhig Faneed.

Kadibna waxaa ka daba dejistay Fartuun Omar oo iyadana sheegtay in 25 ka Decembar qabanayso Bandhig faneed ka dhacaya  Magaalada Utrecht ee dalka Holland , waxaana ka soo qeybgali doona dhawr fanaaniin oo ay ka mid tahay Laki Xaaji.

Waxaa garoonka Diyaaradaha Amsterdam ku soo dhaweeyay Laki Xaaji, Cabdi Baadil iyo fanaaniin kale.

Farxiya Kabayare Waxaa ka mid ahaa dadkii Garoonka Diyaaradaha Amstedam ugu tagay  soo dhaweynteeda Cali Yaxye oo hay’ad NGO ah madax ka ah iyo fanaanada Faadumo Shiino.

Farxiya Kabayare waxay iyadana dadka u sheegtay in 26 ka bishan Rotterdam ku qabanayso bandhig Faneed.

Marka la eego labada fanaan waxaa culeys badan suuqa ku yeeshay Fartuun Cumar oo si ka duwan sidii Farxiya kabayare loo soo dhaweeyay, dad badan waxay is lahaayan Fartuun Cumar ayaa loo badan doona maadama ka abaabul fiicanayd kabayare.
4

Laakiin wax walba waxaa bedeshay Fanaanada codka leh dadkana ay ku tilmaaman inay tahay gabadha kaalinta koowaad kaga jirta Fanka xilligan Farxiya Axmed Cadaawe oo loo yaqaano Farxiya Fiski.

Mar kale dib u eeg habka loo soo dhaweeyay Farxiya Fiska iyo qaabka abaabulka u socdo dhamaan marka isku leexsato waxaa kuu soo baxaya hal ujeedo oo ah waxyaabaha soomaalida duleystay.

Hadaba Suuqa Ganacsiga Fanka wuu is bedelay waxaana bedeshay Farxiyo Fiska oo hada u muuqato inay kala goysay taageerayaashii Fartun Cumar u balansanaayan caawa oo 25 ka bisha ah.

Sida wax u socdaan cidna daah kama saarna, mana doonayo inaan carabka ku dhufto cid kasta waa fahami kartaa hase yeeshe ma aha in labo gabdhood oo waqooyiga America ka yimid laga dhex abuuro xiisad dagaal.

Sidoo kale waxaa dhacaya waxay dhaawac ku yihiin Farxiyo Fiski oo dad badan u arkayan inay tahay Fanaanad qaran hase yeeshe markii laga dhex arkay hal dhinac saameyn dambe ku yeelan doonta .

Intaas waxaa ka sii daran waxaa hadda socda inay hoos u dhac ku keeni doonaan qiimihii uu lahaa Fanka Sooomaaliyed ee dalka Holland.

Dad badan waxay qiyaasayan in Caawa Fartun Cumar la tagi doona laakiin sidii markii hore la filayay in loo buuxin doono hoolka uusan noqon doonin taasina waxaa sabab u ah Farxiyo Fiski oo ka taageero badan Farxiya kabayare iyo Fartuun Cumar.

SOO DHAWEYNTII FARTUUN CUMAR