allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

MUSTAF DHUXULOW IYO SANADKA 2014 TA MAXAA LAGU XUSUUSAN DOONAA?Daawo Sawirada iyo Video

Quraxdii soo baxda, bil soo baxda iyo Mugdi la gala dhamaantood waa ay dhacaan, xilli kasta sidaas ayuu isu bedelaa, Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Dhuxulow waxaa uu soo maray maalmo ka yaabiyay dad badan oo soomaaliyed kadib markii uu la soo baxay dadaal dheeri ah iyo hogaan lagu wada qanacsan yahay iyo tan iyo markii loo magacabay jagada Wasiirka Warfaafinta 17 dii bishii Janayo ee sanadkan 2014 ee dhamaanaya.

Wasiir Mustaf Dhuxulow oo mid ka mid ah Caruurta barakacayaasha xerada Boondheere la ciidayo

Wasiir Mustaf Dhuxulow oo mid ka mid ah Caruurta barakacayaasha xerada Boondheere la ciidayo

Wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxulow waxaa uu ahaa shaqsiyaadkii ku soo baxay Liiska Xukuumaddii Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka C/weli Sh Axmed hase yeeshe si deg deg ah ayuu u qabsaday maslaxa Siyaasadda iyo dhegaha bulshada Soomaaliyed, isagoo muujiyay waxqabad ballaaran iyo isagoo Wasaaradda ka dhigay mida keliya ee ka dhex muuqata Xukuumaddii uu ka tirsanaa.

In kastoo dhawr Wasiir soo martay Wasaaradda Warfaafinta hadana lama arag culeyska ay ku dhex lahayd Wasaaradda Mustaf Dhuxulow ka hor Golaha Wasiirada iyo xerada ka madax banaan Xukuumadda, taasina waxay ku imaaday Wasiirka oo bedelay qaabkii loogu bartay Wasaaradda kana dhig mid shaqeysa,awood kana dhex muuqata Xukuumadda.

In Soomaaliya loo shaqeeyo waa adag tahay waxaase ka sii adag in hogaamiye loo noqdo Saxaafadda Madax banaan ee dalka ka jirta hase yeeshe Wasiir Dhuxulow wax badan kuma qaadan inuu hal meel isugu keeno Saxaafadda Madax banaan maadama uu saaxiibo badan ku lahaa Saxaafada ka hor inta uusan loo magacabay jagada Wasiirka Warfaafinta.

Xeerkii Saxaafada habkii loo soo diyaariyay oo ay ka wada muuqdan Saxaafadda Madax banaan, aqoonyahano iyo Xukuumadda waxay ahayd mida ugu weyn ee lagu amaanay Mustaf Dhuxulow sida la yaabka leh ee isugu keenay dhinacyadii is diidanaa ee rafaadka laga mari jiray.

Sida Toddobaad kasta Wasiir Mustaf Dhuxulow u soo bandhigi jiray waxqabadka Xukuumada ilaa iyo madaxtooyada waxay ahayd wax aan horey looga baran Xukuumadihii dalka iyo shaqsiyaadkii soo qabtay Jagada Wasaarada Warfaafinta.

Dib u soo nooleyntii Hidaha iyo dhaqanka oo ilaa iyo Madaxweynaha ka qeybgalay oo magaalada Muqdisho lagu qabtay, waana waxay ka mid ahayd waxqabadkii Wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxulow.HALKAN KA DAAWO SAWIRADA DHUXULOW IYO HIDAHA IYO DHAQANKA

Tartan Faneed loo qabtay fanaaniin hada soo baxaysa oo laga dhex helay fanaaniin yar yar oo dalka u leh mustaqbal.
unnamed (7) dhaqanka

Sidoo kale Tartan faneed ay ka qeybgaleen Fanaaniinta Soomaalida iyo kuwa talyaani ah oo Muqdisho lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu xusuusta Wasiir Mustaf Dhuxulow in Wasaaradiisa ay qabatay Xuska sanadkii guuradii koowaad markii Xafiiska Qaramada Midoobay loo soo wareejiyay Magaalada Muqdisho.HALKAN KA DAAWO SAWIRADA SANADGUURADII KOOWAAD EE XAFIISKA UNKA EE MUQDISHO

Halkan waa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhuxulow oo wada socda

Halkan waa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhuxulow oo wada socda

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA MR kAY WAKIILKA QARAMADA MIDOOBAY SOOMAALIYA IYO DHUXULOW OO BOOQANAYA WASAARADA WARFAAFINTA

SAWIRKAN WAA Ambassador Nicholas Kay iyo Dhuxulow  Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Tuesday, June 3rd, 2014

SAWIRKAN WAA Ambassador Nicholas Kay iyo Dhuxulow Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Tuesday, June 3rd, 2014

Socdaal Dhuxulow ku dhex maray gudaha Magaalada Muqdisho isagoo dheeri gelinayay nabada ka jirta magaalada iyo inay dadka ku nool dibadda ku soo laabtan Magaaladooda.
Safar shaqo oo uu ku tagay, Mareykanka, UK, Norway, Turkiga, Kuwait ayaa ka mid ahaa waxyaabaha lagu xusuusto Wasiir Dhuxulow.

SAWIR NAXARIIS BADAN MUUJIYAY MAALINTII CIIDA

SAWIR NAXARIIS BADAN MUUJIYAY MAALINTII CIIDA

Waxyaabihii soo jiitay dadka Soomaaliyed oo indhahooda qabtay waxaa ka mid ahaa markii Wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxulow booqasho naxariis leh ugu tagay 28 July 2014 Caruurta Barakacayaasha, Indhoolayaasha (SAWIRADA INDHOOLAYAASHA )iyo Labo Caruur oo isku dheganaa oo Wasiirka ku booqday Xaafada Suuq Bacaad ee Magaalada Muqdisho.SAWIRADA CARUURTA ISKU DHEGAN

Maalintaas Baraha Bulshada waxaa aad u dhex socday mahad celin loo jeedinayay Wasiirka Warfaafinta Mr Dhuxulow.

Waxaa uu ahaa marka laga hadlayo waxqabadka Xukuumaddii hore Wasiirka keliya ee la soo hadal qaadi doono maadama waxqabadkiisa dadweynaha soomaaliyed si weyn u xusuustay marqaatina ka yihiin wixii uu qabtay.

Saxaafadda Madax banaan ee soomaaliya waxay mar walba xusuusan doonaan waxqabadkii Wasiirkaas iyo sidii isugu haayay dhinacyada Saxaafadda iyo weliba tababaro dibadda loogu qaaday Saxafiyiin isugu jira kuwa Dowladda iyo kuwa madax banaan.

Wasiir Dhuxulow oo dhawaan ka soo laabtay safar uu ku tagay dalalka Imaaraadka Carabka iyo Kuwait ayaa la filayaa inuu soo bandhigo waxqabadka Wasaaradiisa maadama dalka ka dhacay is bedel isla markaana xukuumadii uu ka mid ahaa xilka ka degtay.

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA DHUXULOW IYO WASIIRKA WARFAAFINTA KUWAIT

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA DHUXULOW IYO WASIIRKA WARFAAFINTA KUWAIT


Kolay Sida horey looga bartay Siyaasiyiinta Soomaalida marka ay xilka ka degaan inay dibadda isaga laabtan marka xil kale loo magacabana dalka ku soo laabtan sidaas ma aha Dhuxulow waa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka tan iyo 2004 inta badan shaqadiisa waxay ahayd gudaha dalka, welina door muuqda ayuu ku yeelan doonaa Siyaasadda dalka ka jirta.

Waa nin dhalinyaro ah oo mustaqbal dhaw iyo mid dheer-ba ku leh Siyaasadda iyo hogaanka dalka sidaas darteed waxaa uu haysta fursado uga faa’ideeya dadkiisa soomaaliyed.

Saxaafada Madax banaan waxay uga mahad celinaysaa mudadii uu xilka haayay Dhuxulow dadaalkiisa , waxqabadkiisa iyo sidii gacan saarka u lahaa Saxaafadda, waxay kaloo uga mahad celinayaan sidii u dhiiri gelin jiray wariyaasha Soomaaliyed ee dhibaatada amaan daro ku haysata gudaha dalka iyo sidii u garab taagnaa mar walba.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 21 2014. Filed under Qormooyinka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented