DAAWO SAWIRADA:Xafladdii Fanaanka Cali Dhaanto Xalay ku qabtay Magaalada Rotterdam ee dalka Holland

0
6

Waxay ahayd Xaflad ka dhacay Hool aad u kuleyl badan hase yeeshe Raaxo iyo farxad laga dhex abuuray, waxay kaloo muujinaysay Xaflada is arag dad waqtiyo kala fog isugu dambeysay waana mid ka mid ah Xafladaha sida teel teelka ah loogu qabto dalka Holland oo ay ku nool yihiin soomaali tiro badan.

Ka sokow Xafladda aniga waxay ii ahayd habeenkii ugu horeeyay oo aan tago mid ka mid ah Xafladaha Fanaaniinta Soomaaliya ay ka tumaan dalka Holland hase yeeshe lug qaadkayga koowaad waxaa uu noqday mid aad u wanaagsan oo aan ku arkay wejiyo badan oo mar hore igu dambeysay.

Xafladii xalay waxaa ka tumayay Fanaanka ku caan baxay dhaantada Soomaali badankeedana u bixiyan Fanaanka Cali Dhaanto, Xafladda waxay ka dhacday Magaalada Rotterdam ee dalka Holland.
99 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 66