WASIIR MUSTAF DHUXULOW oo noqday Wasiirkii dadka dhibaataysan, Bal arag waxaa uu maanta sameeyay saw ma mudna in lagu amaano,DAAWO SAWIRADA

0
1

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo qabsaday Waajibkii Wasaaradiisa ayaa howshiisa waxaa uu ku sii laba laabay la socodka Xaalada ay ku nool yihiin dadka dhibaataysan ee ku nool Magaalada Muqdisho isagoo noqday Ergay u maqan dadka dhinac walba ka dhibaataysan.

Kulankan qadada ahaa ee uu Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow la qaatay dhallinyaro isugu jirta gabo iyo wiilal oo Indhoolayaal ah, ayeey u jeedadiisu aheyd in Wasiirka uu la wadaaggo Farxadda munaasibadda Ciidda, waxaana kulanka qadada ahaa mid ka dhacay xarunta horumarinta Haweenka oo ah hey’adda gacanta ka geysata nolosha iyo Waxbarashada Carruurta Indhoolayaasha ah.

Mr Dhuxulow ayaa noqday Wasiirka keliya ee dhinaca walba gutay Waajibaadkii saarnaa isagoo u soo jeestay wax u qabashada dadka dhibaataysan sida Carruurta Indhoolayaasha ah, waxa uu kala sheekeysanayey xaaladahooda.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta oo ciid ah booqday cisbitaal ku yaalla xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid halkaasoo ay ku jiraan ilmo mataano ah oo qeybta dambe isaga dheggan.Wasiirka oo hadlay ayaa ballan qaaday in uu dadaal badan ku bixindoono wax u qabashada caruurtaasi, isagoo hoosta ka xariiqay in haddi ay caruurtani u baahanyihiin caafimaad dibadda ah ay dowladdu u qaadidoonto.
144 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 77