allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

DAAWO SAWIRADA:Dowladda Soomaaliya oo Aqoonsatay Maamulka Saddexda Gobol ee Koofur Galbeed

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho heshiish ku dhex dhigtay labadii garab ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Heshiishkan oo ay garwadeen ka ahayd Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhabaha u xaaraya samaynta maamul goboleed ku-meelgaar ah oo ka kooban saddexda gobol ee Shabeelaha Hoose, Bay iyo Bakool.
4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 1 3Munaasabid si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qab-galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiya Baarlamanka, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirro, Xubno ka mid ah baarlamanka, hoggaamiyayaasha dhaqanka iyo bulshada, siyaasiyiin Safiirro, iyo wakiillo ka socday beesha caalamka ayaa lagu saxiixay heshiishkan taariikhiga ah oo soo afjaraya khilaaf dhinaca siyaasaddaa ah oo u dhexeeyey labadii garab kala taageersanaa lixda gobol iyo saddexda goboL ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Labada dhinac ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la dhiso maamul mid ah oo loogu yeerayo Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed, in dowladda Soomaaliya ay ka shaqayso xaqiijinta in Maamulada Jubba iyo Koonfur Galbeed ay noqdaan kuwa laga wada qaybgalo oo dadka oo dhan metela. In iyadoo beesha caalamka lala kaashanayo ay dowladda Soomaaliya taageero u fidiso dhismaha maamulka Koonfur Galbeed iyo in labada dhinac midkiiba soo magcaabo 5 xubnood oo guddi farsamo ah, iyadoo xukuumadduna ku biirinayso 3 xubnood, waxana guddigaasi uu muddo 10 cisho gudahood ah ku soo diyaarinaa habraaca dhismaha Maamulka Ku-meelgaarka ah. Iyo Weliba in labada dhinac ay 30 maalmood gudhaood ku soo dhammeeyaan hannaanka samaynta Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed.
Heshiishkan ayaa dhinaca garabkii saddexda gobol waxaa u saxiixay Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur (Maddeer), dhinaca Lixda gobolna waxaa u saxiixay Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey), halka dowladda dhexe ee Soomaaliyana uu u saxiixay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed, iyadoo goob-joog ahaan ay u saxiixeen wakiillo ka socday Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Europe.

Hadalo kooban oo labada garab ee heshiishka gaaray ay madasha ka jeediyeen ayey ku balan qaadeen inay ka dhabayn doonaan hirgelinta heshiishkan, iyagoo dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka ka codsaday inay garab istaagaan geeddi-socodka nabadda iyo maamul dhisidaddaee Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Wakiilada goob-joogga ka ahaa heshiishkan ee ka socday beesha caalamka sida Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Europe ayaa dhammaantood si weyn nu soo dhoweeyey heshiishkan , iyagoo balan-qaaday inay taageero ku bixinayaan hirgelinta heshiishkan, waxana ay sidoo kale digniin u direen cid kasta oo isku dayda inay caraqaladayso heshiishkan iyo geeddi-socodka nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda ee Soomaaliya.

Ugu danbeynti, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa hadal ka jeediyey munaasabadda lagu saxiixay heshiishkan waxana uu ammaanay dhammaan cid kasta oo gacan ka geysatay xaqiijinta guushan taariikhiga ah, isagoo bogaadiyey dhinacyada heshiishka gaaray.

Qodobbada heshiiska waxaa warbaahinta u akhriyay afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji C/weli, kuwaasoo ka koobnaa 11-qodob oo kala ah:

1. Labadan maamul ee saddexda iyo lixda waxay isku waafaqeen inay dhistaan hal maamul oo loogu yeeri doono maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo ka kooban gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose.

2. Xukuumadda Somalia oo kaashanaysa beesha caalamka waxay xaqiijinaysaa in dhammaan beelaha Soomaaliyeed dega gobolladan Jubbooyinka iyo Gedo ay si cadaalad ah u wadaagaan maamulka.

3. Xukuumadda Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa in dhammaan beelaha dega gobollada Koonfur-galbeed inay si cadaalad ah u wadaagaan maamulka Koonfur-galbeed.

4. Marka ay habboonaato, xukuumaddu waxay fududeyn doontaa wada-tashi dhex-mara maamulka KMG ah ee Jubba iyo maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed si ay u wadaagaan danaha labada dhinac quseeya.

5. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la dhiso guddi ka kooban 13-xubnood, guddigaas oo dhinac walba uu ka imaan doono min shan xubnood halka saddex xubnood ay ka imaan doonaan dhinaca dowladda Soomaaliya laguna soo dhiso muddo toban maalmood ah, kaddib marka la saxiixo heshiiskan. Guddigu waxay soo diyaarinayaan kuna heshiinayaan habka iyo wadiiqada loo marayo dhismaha maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed.

6. Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo kaashanaysa beesha caalamka waxay xaqiijinaysaa wixii looga baahan yahay iyo xaqiijinta dhismaha maamulkan KMG ah.

7. Labada dhinac waxay isku waafaqeen dhameystirka geeddi-socodka lagu soo dhisayo maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed muddo 30-maalmood gudahood ah, kaddib marka heshiiska la saxiixo.

8. Xukuumadda Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa in dhisidda maamulka KMG ah loo maro hannaan ku dhisan nabad iyo xasillooni lagana fogaado wixii halis gelin kara nabadda iyo amniga.

9. Xukuumadda Federaalka Somalia waxay ku dadaali doontaa sii wadidda wadatashiga hoggaamiyeyaasha bulshada, sida odayaasha dhaqan iyo bulshada qaybaheeda kala duwan si loo xaqiijiyo meel-marinta & xal u helidda howlaha dhiman iyadoo loo marayo hab wadatashi ah oo loo dhan yahay.

10. Beesha caalamka waxaa laga codsanayaa inay taageeraan geeddi-socodka iyo furlinta heshiiskan muhiimka ah iyo in laga qaado tallaabo ku habboon oo lid ku ah ruuxii ka horyimaada ama carqaladeeya geeddi-socodka nabadda dalka.

11. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mas’uul ka ah meel-marinta iyo taabbo-gelinta heshiiskan.

BAYAANKA HOOS KA AQRISO

Scan_Doc0010
Scan_Doc0011
Scan_Doc0009

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 23 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented