allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

DAAWO SAWIRADA:MUSTAF DHUXULOW OO DAAH FURAY XUSKA SANADGUURADII KOOWAAD EE XAFIISKA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYA

Danjiraha Qaramada Midoobay  u qaabilsan Somalia, Nicholas Kay, ayaa sheegay in Xafiiska UNSOM lagu baahin doono dhamaan Gobolada Dalka Somalia.Kay, ayaa hadalkaan ka sheegay Munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay howshiisa si rasmi ah uga billaabay magaalada Muqdisho .
18“Waxaa naga go’an inaan halkan joogno, waxaana u joognaa sidii aan u caawin lahyan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda, waxaana naga go’an inaan ku baahinno xafiisyadeenna Soomaaliya oo dhan,” ayuu yiri dajire Kay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay xafladda ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay sida uu uga ogolaaday sannad ka hor inuu xafiiskan ka howlgalo dalka gudihiisa. “JamciyaddaQaruumaha ka dhexeysa iyo xafiiskeeda UNSOM waxaan maanta uga mahadcelinaynaa howshii ay qabteen sannadkii lasoo dhaafay, howshaasoo ahayd mid aad u wanaagsan, waxaana tani ay ahayd inaan helno hal albaab oo aan u garaacno caalamka, waana ku mahadsan yihiin sida ay nooga aqbaleen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
4Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo munaasibadda ku daah-furay khubad kooban ayaa yiri,“Xafiiska Qaramada Midoobay Soomaaliya ee UNSOM, waxa uu ka soo baxay doorkii loo aas aasay, wada shaqeyn wanaagsanna ayaa kala dhaxeyso hey’adaha kala duwan ee dowladda si la isu kaashado”

23 24 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jun 3 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented