DAAWO SAWIRADA Wasiir Mustaf Cali Dhuxuloow oo isagoo xiran dharka Hidaha iyo dhaqanka Soomaalida dib u furay 24 sano kadib Barnaamijkii Heesaha Hirgalay ee berisamaadkii burburay

0
1

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa isagoo xiran dharka Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa uu furay tartanka fanka ee Heesaha Hirgalay iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Abwaanka caanka ah Maxamud Sangub ay goobjoog ka ahaayan xafladii furitaanka.
20Mr Dhuxulow oo ka mid ah Wasiirada fara ku tiriska ah ee ka dhaqdhaqaaqa Xukuumadda soomaaliya ayaa la tacaayala in uu dib u soo nooleeyo dhamaan waxyaabihii ay qaban jirtay Wasaarada Warfaafiinta ka hor intii aysan burburin xukuumaddii Jen Maxamed Siyaad barre 1990 kii.

Sida Muuqato Wasiir Dhuxulow waxaa uu ku guuleystay inuu mideeyo dhamaan qeybaha hoos yimaada Wasaaradda Warfaafiinta oo ay ka mid yihiin dib u dhiska fanka xilli uu wasiirka Wasaaradiisu aysan helaynin dhamaan dhaqaalihii ay u baahnayd inay ku fuliso Mashaariic kala duwan.
99 11 12 13 88Mustaf oo la hadlayay dadkii ka soo qeybgalay xaflada ayaa waxaa uu sheegay in fanka uu yahay astaan qaran iyo mid nabadeed loona baahan yahay in umadda laga weci geliyo dhinaca Suugaanta.

Inta badan Fanaaniinta ugu caansan soomaaliya ayaa ka soo baxay tartankan xilligii berisamaadkii waxaana ka mid ah Fanaaiintaas kuwii ugu caansanaa kooxda Waaberi iyo kooxihii kale Sida Iftiin Wasaaradii Warxbarashada, Heegan iyo Horseed.
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20