koonfur
allxamar
|

Daawo Sawirada Meydadka AFAR GABDHOOD OO WALAALA AH OO ISKU MEEL LAGU DILEY,

Kooxo hubeysan ayaa saqdii dhexe ee xaley weeraray qoys reer guuraa ah oo hurdayey degaano ku yaala duleedka degaaanka Qeydara oo Konfur bari kaga beegan magaalada cadado una jirta qiyaastii 130 km kana tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia.

Wararku waxay sheegayaan in kooxdan hubeysan ay rasaas ooda kaga qaadeen xili ay hurdayeen qoys ka koobnaa todoba walaalo ah taasoo sababtay geerida afar gabdhood oo qoyskaasi ka tirsan iyo dhaawaca sadex kale kuwasoo dhamaantood walaalo ahaa.

Goob joogayaal degaanadaas ku sugan ayaa sheegay in qoyskan aabahood uu horey u geeriyooday, markii weerarkan uu dhacayeyna ay ka maqneyd hooyadood, iyagoo xusay in qaar ka mid ah dadkan walaalaha ah ee dhimashada iyo dhaawaca loo geystay ay ku jiraan caruur agoomo ah oo aan qaan gaarin

Kooxda dilkan foosha xun geysatay ayaa baxsatay, iyadoo wararkuna ay sheegayaan in falkan uu salka ku hayo dilal aanooyin qabiil ah oo mudooyinkanba u dhexeeyey labo beelood oo degaanadaas wada dega, waxaana la soo sheegayaa iney degaanadaas laga dareemayo xiisad ka dhalatay weerarkan, iyadoo laga cabsi qabo iney dhacaan dilal kale oo aargoosi ah.

2 3 1

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Aug 2 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented