|

Amaanka Guriga uu degay Barre Hiraale oo si aad ah oo adkeeyay, Beesha Mareexaan oo shir u socda iyo Kooxda Raaskanbooni oo eegaya Xaalada

Wararka naga soo garaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaay tibaxayaan in manta Xaalada Magaaladaasi ay dagan tahay .
jamacada-kismaayo

Wararku waxaay intaasi ku darayaan in Imantinka Magaalada ee Col Barre Hiraale usan dhalin wax dhilo colaadeed ah waxaana gabi ahaan sidoodi u shaqaynaya Ganacsiga kala duwan ee Magaalada .

Amaanka Hoyga uu dagan yahay Col Barre Hiraale ayaa waxaa gordhaweyd la wareegay Cutubyo ka mid ah Ciidamada Guutada kowaad ee Gobolada Jubboyinka iyo Gedo ee dhawanahaan Fadhisinta ku laha Warshada Hilibka ee Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Hotelka Tawakal ee Magaalada Kismaayo manta waxaa ku sugan Boqolal qof oo iskugu jira Aqonyahano ,Musharaxiin , Ergo, iyo Odayaasha Dhaqanka oo uu horkacayo Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugas Xashi Ugaas Xirsi waxaana manta Hotelkaasi ay kuleyihiin Shir muhiim ah ayado Shirkaasi ka dib ka qayb galaya Qado Sharaf ay sameyeen Haweenka Beesha Sade ee Kismaayo.

Masuliyiinta Shirkaasi ka qayb galaya ee Magacyadooda nala soo gudbiyay ayaa waxaa ka mid ah Sh Maxamed Aw-libaax Gen Fartaag, Gen Cali Madoobe , Hilowle Imaan, Sh Maxamed Codweyne ,Xusein Farey, Iman Rashiid Gurra , Xildh Maxamuud Cali Magaan, Eng Bashiir , . Bille Cabdile iyo Masuliyiin kale oo badan,

Warar hordhac ah oo aan la xaqiijin karin ayaa waxay shegayaan in Shirkaan iyo Qadasharafta ka danbaysaba u ka qayb gali doono Col Barre Adan Shire Hiraale wararku waxaay intaasi ku darayaan in barre Hiraale laga dhagaysan doono ujeedka Socdalkiisa Kismaayo iyo Fariin uu ka wado R.wasaaraha Somalia Cabdi Farax Shirdon Saacid.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Apr 25 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented