allxamar
generaal 10752492_10152752711195675_1417165635_o
|

Netherlands: Wariyayaal ku taliyay in dib loogu laabto Qodobo ka mid ah Xeerka Saxaafada + Sawirro

Qaar ka mid ah wariyayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Netherlands oo Maanta ka dooday xeerka Warbaahinta ee ay soo bandhigtay wasaarada warfaafinta Dowlada Soomaaliya ayaa isla gartay in xeerkaan uu muhiim u yahay shaqada warbaahinta iyo qaab socodkeeda, iyagoo si weyn ugu hambalyeeyay wasaarada warfaafinta iyo dadaalka ay ugu jirto in la helo xeer raali laga wada yahay oo ay ku wada shaqeeyaan Dowlada Soomaaliya iyo warbaahinta Madaxa Banaan.
Hase ahaatee waxaa jiray qodobo ay ku taliyeen in dib loogu laabto sida qodobka ka hadlaayo aqoonsiga wariyenimda qofka oo xeerka uu leeyahay waa in uu haystaa shahaado jaamacadeed oo dhinaca saxaafada ah ama uu leeyahay waaya aragtinimo gaaraysa 12 sano.
Waxa inta badan ay isku ra,yi ka ahaayeen in qodobkaasi uu yahay mid caqabad ku noqonayo wariyayaal badan oo shaqada ku tababartay heer caalami ahna ka gaaray balse laga yaabo in aysan haysan shahaado jaamacadeed oo dhanka Saxaafada ah ama aanan laheyn 12 sano oo waaya aragtinimo ah.

Iyagoo xoojinayay fikirkooda ayay sheegeen in qodobkaasi uu fursad siinayo qof 12 sano ku soo jiray saxaafada hadana aanan waxba fahamsaneyn halka qof intaas ka yar ku soo jiray oo hadana door muuqda kaga jira saxaafada uu doodsiinayo xaqa uu u leeyahay wariyanimadiisa.
Waxaana ay ku taliyeen in dib loogu laabto qodobkaasi laguna qiimeeyo wariyayaasha aqoontooda asaasiga ah ee heerarka kala duwan leh oo qaar ka mid ah ay leeyihiin aqoono kale oo saxaafad aanan aheyn iyadoo dib loo eegayo heerka ka gaarsiisan yihiin dhinaca qoraalka fahamka saxaafada oo ah waxa kaliya ee muhiimka ah ee wariyayaasha lagu qiimeyn karo.

Qodobada kale ee sida weyn ay ugu doodeen ayaa waxa ay ahaayeen milkiyada warbaahinta iyo qodob ay u fahmeen faafreeb dadban, sida in nuqul ka mid ah wargeysyada maalinlaha ah la dhigo xafiiska xeer ilaalinta, wasaarada warfaafinta iyo xarunta gobolka wargeyskaasi uu ka diiwaan gashan yahay,

Waxaana ay ku taliyeen in qodobkaasi uu yahay faafreeb dadban gabi ahaana ay ka soo horjeedaan, sidaas darteedna ay dalbanayaan in wasaarada iyo xarumaha kale ee xeerka uu qarayo in la geeyo ay iibsadaan si la mid ah dadka caadi ah hadii ay arkaan wax xadgudub ahna ay maraan nidaamka ugu haboon ee xal loogu gaaro karo iyadoo talaabada ugu dambeyso ay noqoto in maxkamada lagu kala baxo.

Qodobka milkiyadana waxa ay ku taliyeen in laga daayo in milkiilaha uu degan yahay gudaha dalka hadii kale uusan xaq u laheyn in uu furto warbaahin iyo in mar kasta oo wax laga badelaayo naqshada wabsite yada lagu wargeliyo wasaarada oo ay ku sheegeen in ay tahay mid dhaqaale laga sameynaayo iyadoo badanbka milkiilayaasha warbaahinta aysan jirin wax qarash ah oo la sheegi karo oo ka soo gala warbaahinta muda badanna ay u soo dhabar adeegayeen hormarinta warbaahinta Soomaliyeed.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqeen Bahda Saxaafada ee ku sugan Muqdisho ee loo xilsaaray tala bixinta Xeerka ay si dhameys ugu fikiraan talooyinka ay gudbinayaan, wasaarada warfaafintana ay yeelato dulqaad ay ku qaadato talooyinkaasi si loo helo isfaham ku salaysan wadashaqeyn u dhexeysa labada dhinac laguna saxaayo qalqalka saxaafadeed ee haysta warbaahinta Soomaaliyeed.

Fardowsa Maxamed C/lle”Gabdhaha iyo Wiilasha ka shaqeeya Saxaafadda Soomaaliya waxaan dhihi lahaa Hambalyo, waayo aniga ayaa ka mid ah kama aani soo bixin Jaamacad, mana haysto Shahaado la aqoonsan yahay”Dood Suxufiyiin ku dhex martay Holland, Daawo Muuqaalka

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Feb 23 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Recently Commented