|

Ra’iisal Wasaarihii hore ee soomaaliya oo Shaqadiisa dib ugu laabtay iyo Su’aalooyin la yaab leh oo uu ka jawaabay

Ra’iisal wasaarihii hore ee dawladii ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo mudo ka badan sanad ku soo qaatay xafiiska raysul wasaaraha ayaa wareysi kaga sheekeeyay xaalada wadanka iyo rajadiisa siyaasadeed ee mustaqbalka.
Dr. Cabdiweli Gaas oo u waramay Tim Horton oo ka tirsan The Paper Dreams Project ayaa sheegay inuu hadda dib ugu laabtay shaqadiisa macallinimo ee dalka Mareykanka.

Wareysiga lala yeeshay Cabdiweli Gaas ayaa sidan u dhacay;

Su’aal: Maxaad qabataa xilliga aad firaaqada leedahay mar haddaad ka soo laabatay Soomaaliya?

C/weli Gaas: Waxaan ku soo laabtay shaqadeydii Jaamacadda Niagara. Hadda waxaan wax baraa hal fasal oo ah heerka  shaahada labaad (Master degree) iyo labo fasal oo ah heerka shaahadada koowaad (bachelor degree), waqtiga intaa ii soo harta waxaan la qaataa qoyskeyga. Waxaan ka maqnaa labo sano carruurteyda waxayna u baahan yihiin inaan waqti la qaataan aabahood.

Su’aal: Ma ku xiran tahay aalada bulshada ku wada xiriirto (Facebook & twitter) iyo teknolojiyada cusub?

C/weli Gaas:Waan jeclahay isticmaalka aalada xiriirka bulshada, Waxaan had iyo jeer isticmaalaa bogga aan ku leeyahay Facebook, waana had fiican oo aan ku gaari karo bulshada Soomaaliyeed. Waxaan sameystay cinwaan twitter-ka markii aan u tartamayey madaxweynanimada waxaana qorsheynayaa inaan mar dhow isticmaalo.

Su’aal: Ka waran waayo aragnimadaada markii aad yareyd ee Soomaaliya joogtay marka loo barbardhigo Soomaaliyadii aad hadda dhowrka sano ka soo shaqeysay?

C/weli Gaas: Markii aan soo korayey gobolka bartamaha Soomaaliya, waxaan heystay nolol fiican, waxaan heystay qoys fiican, waxaa i soo koriyey adeerkay iyo eedaday. Waxaan helay barbaarin wanaagsan; waxbarasholacag la’aan ah illaa intaandhalinyarada ahaa, Weligey ma bicin xitaa shilin waxbarashadeyda. Waxaan helay shaqo wanaagsan wasaaradda maaliyadda. Ka dibna waxaan heley deeq waxbarasho oo ay i siisay dawladeyda waxayna ii soo dirtay Mareykanka 1986.   Sidaa darteed waxaan heystay barbaarin wanaagsan.  Marka laga hadlayo barbaarinta waxbarashada iyo fursada aan helay waa wax aan aaminsanaa in canug kasta oo Soomaaliya ku nool uu helo.  Markii aan dib ugu laabtay Soomaaliya (2010) dhammaan waxyaabahaasiu way baaba’een, dhallaanka Soomaaliyeed badankoodna ma helaam fursadaasoo kale ee aan heystay markaan yaraa.  Soomaaliyada noocaas ah way tagtay, aad ayeyna u adag tahay in dib loo soo celiyo, laakiin waxaan ku rajo weynahay waan heli doonaa waqtga ku haboon.

Su’aal: Dhalinyarada ku dhalatay qurbaha meel (fursad) maku leeyihiin Soomaaliya cusub?

Waxaa jira wadamo adduunka ay dhiseen dadkooda soo laabtay, dadka soo arkay waayo aragnimada reer galbeedka. Jiilalka yar yar ee ku nool halkan (Mareykanka) waxay heleen wadan ay la qabsadeen. Waxay ku siiyeen fursado badan, wayna ku soo dhoweeyeen, dhalinyarada Soomaaliyeed qaarkoodna si qaldan ayey u adeegsadeen taasi.  Waxaa jira dhalaan Soomaaliyeed oo badan oo raba inay fursadaasoo kale helaan.

Su’aal: Sidee ku bedeli karnaa arrimaha ku saabsan dhaqanka ee soo wajaha dhalinyarada qurbaha ku nool?

C/weli Gaas: Waxaan u maleynayaa waa arrin ku saabsan dhibaato dhanka jinsiyada ah.  Waxay dareemayaan inaysan halkan (qurbaha) ahayd halkaasna (Soomaaliya) ahayn.  U fiirso, kani waa wadankii aad la qabsatay daacad u ahow, tixgeli sharciga dhulkan. Ha gelin daroogada, ka ganacsiga dumarka iyo qamaarka.  Kucaawi naftaada sidii aad u noqon lahayd qof wanaagsan, waxna baro. Ka dib haddaad fursad hesho oo aad ku laabato Soomaaliya, u caawi dadka sidaad u awoodo. Waxaa kuu banaan kaalin.

Su’aal: Ma jirtaa meel (sadhig) ay ku laaban karaan (dhalinta qurbaha)?

C/weli Gaas:Waxaan soo jeedin lahaa in dawlada cusub ee Soomaaliya ay sameyso wasaarad qaabilsan qurbejoogta, qeyb dhan oo wax ka qabata arrimahaan isla markaana hagta dhalinta qurbaha ka imaaneysa.

Su’aal: Maxay ahayd caqabadii kuugu weyneyd ee lama filaanka ahayd ee kusoo wajahday intii aad shaqada waday (Soomaaliya)?

C/weli Gaas: Caqabad laga naxo, Waxaan Soomaaliya ka maqnaa in ka badan 25 sano.  Waan ka naxay siduu wadanku isu bedelay oo u noqday dhimasho, rajo la’aan, barakac iyo rabshad.  Waxay naxdin laakiin waa laga soo kacay. Waxaa jirtay labo iskuday oo ka dhan ahaa nolosheyda. Soomaaliya way ka xumeyd sidaan filaayey.

Su’aal: Siyaasadda qabyaalada ah weli caqabad miyey ku tahay guusha (dawlada) Soomaaliya?

Qabiilka iyo qaraabanimada waa labo shey oo kala duwan.  Inaad noqoto QABYAALIISTE waa wax xun.  Aniga markaan ku sugnaa bartamaha Soomaaliyaoo aan ku koray, waan ka fogaa meesha qabiilkeyga ay degaan ee Puntland laakiin waxaan heystay qaraabo ah dadkii aan la soo koray. Waxaan heysanay nolol wanaagsan.  Waxa xun waa inaad qabiilka u adeegsato ku gaarista dano siyaasadeed iyadoo ah ujeedooyin shakhsiyadeed oo nacasnimo ah.

Su’aal: Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay aqoonsiga dawlada federaalka ay ka heshay dawlada Mareykanka hadda?

Si fudud waxay ka dhigan tahay in Mareykanka markii horeba uu joogay Soomaaliya.  Waxaa jiray danjire Mareykan ah James Swan.  Waxaa jiray safaarad ku taalla Nairobi waxayna naga caawiyeen dhanka militariga.  Hadda xiriirkaas waxayu qaadeen heerkiisa labaad oo ah meel aan wada yeelan karno xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah, waxayna fureysaa irido badan.

Su’aal: Maxay tahay aragtidaada sida loo wajahayo meeqaamka Muqdisho caasimad ahaan, qeybinta awooda dawladnimo iyo kheyraadka iyo aqalka sare ee baarlamaanka?

In la bedelo caasimad waxay qaadaneysaa waqti fara badan waxayna abuureysaa dhibaatooyin siyaasadeed oo badan. Waxa loo baahan yahay waa in MUQDISHO ay noqoto caasimadda dhammaan Soomaaliya.  Ma noqon karto magaalo uu leeyahay qabiil kaliya. Muqdisho waa inay noqotaa magaalo lagu aqoonsado qof kasta oo Soomaali ah [magaalo qabiilo badan]  Haa oo ah magaalo leh astaamo Soomaaliyeed oo aan ahayn astaamo qabiileed.  Marka xigta dad ayaa hanti lahaa Muqdisho, qaarkoodna way barakaceen, Qofkii heysta hanti uusan lahayn waa inuu soo celiyaa.

Arrinta aqalka sare ee baarlamaanka, hadda weli ma jiraan maamul goboleedyo ku filan inay sameeyaan aqalka sare ee baarlamaanka. Halkaasna ma aynan gaarin weli.

Mida kheyraadka iyo awooda, baarlamaanka cusub ayaa soo magacaabi doona guddi ka dooda awood wadaaga, wadaagista kheyraadka dalka, nooca federaalka iyo nidaam canshuureed, siduu qabo dastuurka.

Su’aal: Adiga waxaad dhowaan iskacasishay jagadii xildhibaanimo ee baarlamaanka Soomaaliya, marka weli boos miyaa kaaga bannaan siyaasadda Soomaaliya?

Ma ahan jawaab fudud.  Tusaale, markii aan Muqdisho joogaydhibaatadan ayaan qabay, markaan sarriirta tago habeenkii saqda dhexe, waxaan maqli jiray duqeyn madaafiic waxaana ka fekeri jiray duqeyn ciidamada AMISOM ay geysanayaan oo ku dhacaysa qoys danyar ah oo Soomaaliyeed. Yaa ka masuul ka noqon doona maalinta QIYAAME? Ka raysul wasaare ahaan waa aniga!.  Waxaan u heystaa in anigala igula xisaabtami doono maakinta Aakhiro. Arrimahan waxay saameeyeen niyadeyda iyo aragtideyda.

Markaan taas ka fekero, waxaanba is dhahaa armay sidaan MACALINIMADA kuu dhaantaa, halkii aad ka qaadi lahayd masuuliyadahan oo dhan iyo dembiyadan sida an ku talagalka ahayn loo gelaayo. Sidaa awgeed dhammaan waxyaabahan waxay ku soo dhacaan niyadeyda.  Marka aad rabto inaad qeyb ka qaadato hawlahaan waa inaad ka fekertaa ILLAAHAY, Aakhiro iyo qoyskaaga iyo noloshaada inta kuu hartay.  Waa shaqo welwel iyo argagax leh,  Waa shaqo aan la iskugu mahadcelinin, waana shaqo halisteeda leh,.. Waana inaan ke fekeraa dhammaan waxyaabahaani ka hor inta aan qaadanin go’aankeyga xiga!.

*Wareysiga oo English ah
_______________________________________

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Feb 17 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • deeqo: maasha alaaaaaaah maasha alaaaaaaaaah alxamdulilaaaaaaaaah allahu akbar ilaahayoow adeey mahad kuu sugnaatay...
  • hassan: SXB AAN WAR YAR KU SIIYO OGAADEEN WAA DAAROOD WAANA REER PUNTLAND WAANA REE JUBALAND MAXAA NOO KALA SOOCAAN...
  • hab: Ilahay waxaan uga baraayay inuu uqubadka soo sara. Wxaa sabab uu ahayay dagaalkii kismayo ka dhacay
  • adde: ali hiraabe kkkkkk nin ciil iyo cudur cuqdadeed dilooday dheh,,warkaaga waa hiraab warkiis kkkkk eeey eey...
  • ayub: heestaan waxaa is kaleh ala u naxariistee axmed shariif killer iyo luul jaylaani cali somali webset iyo waxa uu...