|

Dabeecadaha gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya Jacayl yahay iyo kuwa ugu Nacayb yahay inuu maqlo

In badan oo idinka mid ah aqoon badan uma lahayn Xasan Sheekh Maxamud Madaxweynaha Soomaaliya ruux ugu badan ee xog ka haystay Xasan Sheekh waxaa uu ogaa oo kaliya inuu ka mid ahaa Maamulayaasha Macadka Simad inuu ka soo shaqeeyay ururada Bulshada iyo UNICEF wax intaas dhaafsan ma jiraan laakiin shaqsiyaad aqoon hoose u leh Xasan Sheekh ayaa xog filan siiyay newsomali.com.
Bal eeg Wasiirka Arrimaha Dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji gacamaha ayay isa saaratay Madaxana hoos ayay aadisay, haddii aysan saas yeelan waa baxaysaa
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu jacayl yahay in la qaato soo jeedintiisa, in la maqlo wax kasta oo uu sheego waxaa uu ka sii jacayl yahay in la amaano laguna amaano wax uusan isaga qaban lana yiraahdo hadduu madaxweynaha ahaan lahayn howshaas ma qabsoomayn.

Waa Madaxweynaha adduunka ugu jacayl in laga arko faqaaro kasto oo Siyaasiyiinta caalamka isugu imaadan xataa xaflad qalan jabin ha ahaate.

Madaxweyne Xasan Sheekh Waxaa uu jacayl yahay in laga arko Camerooyinka, taas waxaa daliil u ah markii uu london tagay waxaa uu ku waashay bixinta wareyso isagoo bixiyay in ka badan 15 wareysi.

Waa keliye taliye ka soo baxay dal burbursanaa in ka badan 22 sano laakiin isaga waxaa uu isku sheegaa inuu yahay qof dhageysta dadka ka soo horjeeda iyo kuwa uu la shaqeynayo.

inuu madax adag yahay waxaa daliil u ah nidaamka shaqadiisa oo isku soo koobay wax alla wixii maamul ahaa ee dowladda soomaaliya.

Aqoonyahankan lagu qaldamay ma laha nidaam soo jiidasho ah oo ku kasban kara dadka ka soo horjeeda iyo kuwa nidaamkiisa ka tirsan.

Hadda oo wax ka yar sanad Madaxweyne yahay waxaa uu ku faanaa oo kaliya inuu muqdisho isbaarooyinkii yiilay ka qaaday wax intaas dhaafsan oo umadda u sheega ma laha.

MUXUU NACAYB YAHAY.

Xasan Sheekh Maxamud Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu nacayb yahay qof cagtiisa ka hadla, ruux hadal ka keena fikirkiisa, Ra’iisal Wasaare ilaa iyo Guddoomiye Baarlamaan midna ma sheegan karo waxqabad waayo dabeecadaas Madaxweynaha way dhibtaa.

Haddii Wasiir ka tirsan Dowladda yiraahdo Xukuumadda waxqabadkaas ayay fulisay Madaxweynuhu Wasiirkaas wuxuu u qaadaya cadawtinimo aad u weyn.

Kama helo qof isaga ahayn inuu yahay qof qof wanaagsan oo waxqabad fiican la yimaada.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Feb 7 2013. Filed under Qormooyinka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • deeqo: maasha alaaaaaaah maasha alaaaaaaaaah alxamdulilaaaaaaaaah allahu akbar ilaahayoow adeey mahad kuu sugnaatay...
  • hassan: SXB AAN WAR YAR KU SIIYO OGAADEEN WAA DAAROOD WAANA REER PUNTLAND WAANA REE JUBALAND MAXAA NOO KALA SOOCAAN...
  • hab: Ilahay waxaan uga baraayay inuu uqubadka soo sara. Wxaa sabab uu ahayay dagaalkii kismayo ka dhacay
  • adde: ali hiraabe kkkkkk nin ciil iyo cudur cuqdadeed dilooday dheh,,warkaaga waa hiraab warkiis kkkkk eeey eey...
  • ayub: heestaan waxaa is kaleh ala u naxariistee axmed shariif killer iyo luul jaylaani cali somali webset iyo waxa uu...