koonfur
allxamar
header logo-111
|

Fadeexadii ka dhacdey Gaalkacyo kadib furitaankii xafiiska xisbiga Horsed (Sawiro)

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug arrimo aad loola yaabey, kuwaas oo qaarkood lagu tilmaami karo fadeexad iyo masuuliyad darro.
 

Iyada oo waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo ay marar badan ku baaqeen in aan wax xafiis Xisbiyada Puntland looga dhawaaqey aan laga furi karin Gaalkacyo, Waxgaradka ayaa sheegay in aysan ka soo horjeedin nidaam wanaagsan oo maamul laguna gaari karo Dimoqraadiyad laakiin waxa Puntland ka socda in ay tahay riwaayad Faroole dhigaayo isla markaan aan xalaal ahayn, ayaa waxaa maanta laga furey Xafiiskii Xisbiga Horsed ee ay ku bahoobeen dhamaan kuwa haya talada Puntland.

Furitaankii Xisbiga ayaa waxaa ka qaybqaatey ciidamo badan oo ah Booliska, iyo Dariiwshta kuwaas oo isku gadaamey sarta laga furaayey oo ku taala agagaarka xero Inji ee xaafadda Israac, aqal uu iska lee yahay nin ay qaraabo yihiin Guddoomiyaha gobolka Mudug Tigey.

Ciidamada dowladda iyo gawaaridii dowladda ee loo isticmaalayey furitaanka xafiiska ayaa caqabad ku noqdey Masjidka Abuqurera ee ka soo horjeeda guriga laga furaayo kadib markii ciidamadu halkaas saldhig ka dhigteen, ayna baaritaan ugu dhaqaaqeen dadka masaajidka gelaaya.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo qori sita kadib furitaankii xafiiska Horsed

Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo qori sita kadib furitaankii xafiiska Horsed

Fadeexada kale ee ka dhacay goobtaas ayaa ka waxaa ka mid ah kadib markii waxgaradka uu metalayey Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Tigey ay la soo hadleen una sheegeen in arrintaani amniga khal-khal gelineyso ayna ka digeen in xafiisyo la furo, ayuu ku jawaabey in uu sito qoro AK47 qofkii u soo dhawaadana uu kaas ugu jawaabayao, waxaana Kaamarada qaar ka mid ah suxufiyiintu ay heleen Guddoomiyaha oo qori ku gaashaaman weliba diyaarsan oo gacanta ku sita.

Dad barakacayaal ah oo la diiwaan gelinayo sida ay sheegtey shabakada danguud.com

Dad barakacayaal ah oo la diiwaan gelinayo sida ay sheegtey shabakada danguud.com

Arrimaha kale ee dadku la yaabeen ee maanta Gaalkacyo ka dhacay ayaa ah kadib markii xeryaha Barakacayaasha ee gaalkacyo si khasab ah lagu soo daabuley dadkii ku jirey oo diiwaan gelinta loo isticmaaley, dadka ayaa loo sheegay in ay helayaan xoogaa lacag ah iyo raashin, keliya waxaan doonaynaa 330 qof magacood ayaa la yiri qofkii diida magaalada waa laga tarxiilayaa taas oo ahayd fadeexad iyo arrimo ka dhan ah xuquuda dadka gudaha ku barakacay ee IDP.

 

Masuuliyiinta Gobolka oo siku qabsadey guriga laga furaayo xisbiga

Masuuliyiinta Gobolka oo siku qabsadey guriga laga furaayo xisbiga

Markii is qabqab-siga guddoomiyaha iyo kuxigeenadiisu dhexdooda uu degay isla markaana uu yaraadey buuqii furitaanka ayaa Guddoomiyaha Gobolka Musug saxaafadda qaarkood kula hadley xafiiska isla markaana ka sheekeeyey furitaanka Xisbiga Horsed ee magaalada Gaalkacyo.

 

Habeenimadii xalay waxaa magaalada Gaalkacyo lagu daadiyey waraqo looga soo horjeedo Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Faroole, waxaana warqadahaas ku qoran Dooni mayno Faroole, dooni myano Horsed, iyo erayo kale.

Sheekada u weyn ee maanta Gaalkacyo la is-weydiinaayo ayaa aheyd, xafiiska xooga lagu furtey, Tiknikada dowladda ee loo isticmaalayo arrimaha xisbiyada, iyo dadka barakacayaasha ah ee gaboodfalka lagu sameeyey isla markaana magacooda loo isticmaalayo siyaabo qaldan iyo dimoqraadiyadda Dhishiikaha lagu keenay, halkii ay ahayd mid shacabka ka timaada.

Horey ayaa Xisbiga Midnimo loogu diidey in ay furtaan xafiiskooda, waxaana gurigii ay kireysteen boorarkii ka soo dejiyey dhalinyaro diidan nidaamkaas, masuuliyiinta Midimo aya isaga soo tegey isla amrkaana ku tilmaamey in Xisbigooda dano gaar ah laga lee yahay.

Horseed Media
News Desk

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Feb 6 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented