|

Amb. Nuur Cadde oo si Sharci darro ah Diplomaasi ugu dhigaya nin horey Driver u ahaa (Dukumenti sir ah oo la helay)

Safiir Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa weli sii wada ku tagri falka Awoodeed ee uu kaga faa’ideesanayo xilka Safiir-nimo isagoona xilliyadii ugu danbeeyay ku dhaqaaqayay falal aan sharciga Safiirnimo waafaqsaneen, isla markaana ah ku tagri fal iyo ku tumasho Hantida Qaran, Waxa uuna xilligaan Qorsheenaya in Xoghaye 2aad ee Safaarada Soomaaliya Talyaaniga uu ka dhigo Wiil Soomaaliyeed oo horey u ahaa Wade Gaariga Safaarada (Driver).

“Nuur Cadde waxa uu dhawaan la kulmay Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya Fowsiyo, waxa uu u sheegay in uu doonayo inuu Diplomaasi ka dhigo nin horey wade gaari ugu ahaa safaarada, balse wasiirada waxa ay ku war gelisay in Diplomaasi aan laga qadan karin dalka dibadiisa, isla markaana sharciga dhigaayo in Diplomaasiga laga soo Magacaabo gudaha dalka Soomaaliya, iyadoona ku war gelisay in Wiilka loo diro Soomaaliya si Wasaarada usoo xaqiijiso in uu xilkaasi qaban karo iyo in kale isla markaana soo Magacawdo hadii loo baahan yahay, Balse Nuur Hadalkaasi wuu ka dhaga adeegay welina waxa uu ka daba wareegayaa wasaarada Arrimaha Dibbada Talyaaniga si uu wiilkaas ugu helo Kaarka Aqoonsiga” Sidaasi waxaa yiri Mid ka mid ah Mas’uuliyiinta ku dhaw Xafiiska Nuur Cadde oo codsaday in Magaciisa lasoo xigto.
dip1dip2

“Waa wiil Soomaaliyeed oo la xaqiijiyay in Markiisa horeyba uu Sharci la’aan Wade gaari ugu ahaa Safaarada, balse uu Nuur Cadde xilligaan doonayo in sharci darro uu ugu dhigo Xogheyn 2-aad, balse waxaa nasiib ah in xilligaan Arrinta wiilkaan ay la socoto Wasiirada Arrimaha dibada, inkastoo aaynu ognahay in waxyaabo badan oo dhacaya la iska indha tiray oo dowladii iska indha tirtay hadana waxaan sugeynaa waxa ay ka yeelayaan shaqsigaan oo hadaba loo gacan geliyay Passaporka Diplomasiga” Ayuu hadalkiisa raaciyay.

Warqad uu Amb. Nuur Cadde u diray Wasaarada Arrimaha dibada Talyaaniga iyo mid uu u diray Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa waxa uu ku kala qoray 2 Taariikh oo kala khalifsan, taasi oo shaki gelineysa ka run sheegida shaqsigaan uu nuur cadde la damacsan yahay Xogheyn 2-aad ee Safaarada Soomaalida Talyaaniga.

Talaabada Nuur Cadde oo ku jibinayo Hadalkii kasoo baxay Wasiirada Arrimaha dibada ee ah sharci ahaanshiyaha soo magacaabida qof noqonaya Diplomasi ayaa kusoo beegmaya xilli dhowr jeer oo horey uu Nuur Cadde ugu tuntay sharciga, isla markaana ku tagri falayo Hantida Qaranka Soomaaliya uu ku leeyahay dalka Talyaaniga, iyadoona ay dhiinaca kale isa soo tareyso Qeylo dhaanta iyo baaqa ay Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Talyaaniga u jeedinayaan Dowlada Soomaaliya si wax loogu qabto Arrinta ka taagan dalka Talyaaniga.

 

Xulka K/Kolayga Dalkeena Soomaaliya Oo U Gudbay Semi-finalka Zone 5 Ka Dib Markii Ay Garaaceen Burundi 

Jilayaal Ajnabi ah oo Dhigay Riwaayad Somali ah Dhageyso Warbixinta

 

Danjire Maxame Cali Ameerico iyo Danjiraha Cusub ee Kenya oo soo gaaray Magaalada Muqdisho (Sawiro) 

 

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Jan 23 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • shamso.seeraar: Kuwani qabiilka dhuuxa ka galay wax ey yihiin maleh..waa sida eeyo qeylinaayo.horay waxaa loogu...
  • Caleb G. Alvarez: Xildhibaanada dhaca loo geystay ayaa waxay kala yihiin C/raxmaan Xoosh Jibrii iyo Xildhibaan...
  • deeqo: maasha alaaaaaaah maasha alaaaaaaaaah alxamdulilaaaaaaaaah allahu akbar ilaahayoow adeey mahad kuu sugnaatay...
  • hassan: SXB AAN WAR YAR KU SIIYO OGAADEEN WAA DAAROOD WAANA REER PUNTLAND WAANA REE JUBALAND MAXAA NOO KALA SOOCAAN...
  • hab: Ilahay waxaan uga baraayay inuu uqubadka soo sara. Wxaa sabab uu ahayay dagaalkii kismayo ka dhacay