Dowladii Shalay Labo Shariif, Dowladda Maanta Xasan Sheekh Faarax C/qaadir iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyadda oo ku sigtay inuu is casilo iyo Ra’iisal Wasaare Saacid Muxuu ka yiri
Haddii shalay muddo kooban talada soomaaliya gacanta ugu jirtay Labo Shariif isla markaana wax kasta ka go’an ka gaari jireen labada Shariif maanta Xukunka Soomaaliya waxaa uu gacanta u galay 3 nin oo ugu sareeya Faarax C/qaadir oo ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada isla markaana loo arko mashinka hoggaamiya talada dalka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo isagana inta badan awoodii dalka maamula iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Hab dhaqanka 3 nin ayaa ah mid ka duwan hab dhaqankii labada Shariif, waa Siyaasiyiin qunyar socod ah isla markaana isku xiran kalana war qaata saacad kasta.
Wasiirada iyo Xildhibaannada Dowladda Soomaaliya waxay xad iyo jeer ku mashquulsan yihiin la kulanka 3 da nin gaar ahaan waxaa awooda gacanta ugu jirtaa Faarax C/qaadir.
Faarax C/qaadir waxaa uu dhawaan qabtay shaqadii wasaaradda arrimaha dibadda Fowziyo Yuusuf Xaaji, kadib markii uu socdaalo ku tagay carabta isagoo ka mas’uul ah Siyaasadda arrimaha dibada soomaaliya taasina waxay ka mid tahay faragelinta faarax C/qaadir Wasiiru Dowlaha madaxtooyada ku haaya howsha Golaha Wasiirada.
Arrinta kale ee dhawaan yaabka dhalisay waxay ahayd markii Wasiirka Maaliyadda Cawil Xasan Suleymaan ku sigtay inuu iska casilo xilka uu haayo kadib markii uu Golaha Wasiirada dhexdooda kaga cawday faragelin Madaxweynaha ku haaya howsha Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya oo ku sigtay inuu is casilo, Sawirkan waa Wasiirka
Cawil Xasan Suleymaan waxaa uu ka dhex sheegay fadhigii Golaha Wasiirada in Madaxweyne Xasan Sheekh gacanta ugu jirta awooda Wasaaradda, Waxaa hadaladiisa ka mid ahaa”Aniga awood uma lihi Shaqadayda, Haddii aan warqad qoro oo aan u diro Bankiga ama laamaha kale ee lacagta waxaa la igu yiri Saxiixaada looma baahna waa in Madaxweynaha warqada soo saxiixaa xataa Ra’iisal Wasaaraha amarkiisa ma soconayo.
Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa isna u jawaabay Wasiirkiisa Maaliyadda kuna yiri aan ka war sugno muddo hal sano ah Madaxweynaha isaga ayaan u dhaafnay Maamulka dalka.
Xildhibaanada Baarlamaanka waxaa ay sheegayan in Guddoomiyaha Baarlamaanka ka jilaacsan yahay ilaaliye jooga albaabka hore ee Madaxtooyada halka Ra’iisal Wasaaraha u ek yahay qof u dhiqma Guddoomiye degmo waayo dhaqdhaqaaqiisa aad ayuu u yar yahay kama bixin tan iyo markii loo magacabay jagadaas gudaha dalka waxaa isku soo koobay oo kaliya Shir Guddoomin fadhiyada Golaha Wasiirada.
Habeen walba xilliga dambe, Madaxweyne Xasan Sheekh, Faarax C/qaadir Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin waxay yeeshan kulamo ay kaga tashadan Siyaasadahooda.

Horey Shariif ayaa mar dhex dhigaa Madaxtooyada markii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda markaas oo loo arkayay ninka maamula talada dalka.
faarax C/qaadir hadda kama baxo Madaxtooyada halkaas ayuu ka sameystay guri isagoo xataa ku weheliya Madaxweynaha kulamada caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahayn.
Daawo Muuqaalka Shirkii Jaraa’iid ee si wada jirka u qabteen Hillary Clinton iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, Mareykanka wuu aqoonsaday Dowladda Soomaaliya
FAALLO: IGAD WADDOOYINKA EY SOMAALIYA UGA DHISEYSO XADKA KENYA AMABA ETHIOPIA WAA “MURUQA LABO SUULE NINBA SI U QAADAY”
WAR DEG DEG AH:Madaxweyne Barack Obama oo aqalka Cad ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamud isla markaana wada hadal la yeeshay
Iniesta, Henry, Maldini, Del Peiro, Pirlo, Buffon iyo Eto’o .. Xidigo Kubada Dahabka Iloowday! Warbixin Dheer.
Madaxweynaha Soomaaliya oo qirtay inaan lagu soo wargelin Weerarkii Ciidamada Faransiiska ku qaadan degaanka Buulo Mareer

