Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya oo geeriyooday
Allaha u naxariistee waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday wasiirkii ugu horeeyay ee maaliyadda Soomaaliya, ahaana nin maalqabeen ah Cusmaan Axmed Rooble.

Cusmaan Axmed Rooble wuxuu sanadihii dambe marxuumku deganaa magaalada London, wuxaana la sheegay in uu u geeriyooday xanuun dhinaca kilyaha ah oo mudooyinkaanba uu la xanuunsanayay.
Geerida Cismaan Axmed Rooble waxaa saxaafada u xaqiijiyay wiilkiisa Axmed Cusmaan Axmed Rooble, waxaana lagu wadaa in berri lagu aaso magaalada London.
Marxuumka , wuxuu ahaa wasiirkii ugu horeeyay ee maaliyadda Soomaaliya, xilligii dowladdii madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya Aadan C/lle Cusmaan (Aadan Cadde). Waxaan si weyn looga yiqiin magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Allaha u naxariistee Marxuum Cismaan Axmed Rooble waxaa uu lahaa labo shineemo oo magaalada Muqdisho si weyn loogaga daawan jirey gaar ahaan aflaamta Hindiga ee kala ah Shineemo Afrika iyo shineemo Soomaaliya.

