koonfur
allxamar
header
|

Safaarada Somalida ee Nairobi oo maxaabiis ka sii daysay xabsiyada Nairobi kuwaas oo qaarkood loo qab qabtay, Sawiro..

Safaarada Soomaaliya ee uu safiirka ka yahay Danjire Cali Maxamed Nuur amerika ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay ku mashquul sanayd Somali gaaraysa Boqolaal sidii loo sii dayn lahaa, kuwaas ay Ciidamada amaanka Kenya xabsiga u Taxaabeen Qarax ka dhacay xaafada islii 72 saac ka hor.
 Xoghayaha Koowaad ee safaarada Soomaaliya ee Cali Maxamed sheikh Cali bagadi ahna ku-Xigeenka safiirka Soomaaliya oo Wakiil ka ahaa safaarada Soomaaliya ee Kenya, ayaa manta waxa uu dhalinyarao Soomaaliyeed oo gaaraysa 30- ka sii daayay Maxkamada kibara higt Court.

Cali Bagadi oo Wakiil ka ahaa safaarada Soomaaliya ee uu safiirka ka yahay Danjire Cali amerika ayaa sheegay in dhalinyaradani maxkamada la soo saaraay waxa uuna sheegay in uu maxkamada goob joog ka ahaa.
 “ aniga safaarada soomaaliya ayaan Wakiil ka ahaa waxaa meesha la keenay Maxaabiis badan laakiin, waxaa dacwad sharci ah lagu waayay ilaa 30- dhalinyaro ah waana soo baxeen caawa islii ayay kula joogaan”ayuu yiri Cali Maxamed sheikh Cali bagadi oo la hadlayay Bogan.

Sidoo kale Cali bagadi Xoghayaha koowaad ee safaarada ayaa sheegay in dhalinyaradani ay ka mid ahaayeen kuwa la qabtay 72 saac ee la soo dhaafay.

“ Safiirka iyo aniga ma Nasan waxaan wadnaa dadaal iyo sidii dadka la Xiray maxkamad loo gayn lahaa, ma ogolaan Doono qof Somali ah in uu xabsi ku jiro ilaa uu Noqdo mid la Xukumo ama Xoriyadiisa Helo”ayuu markale yiri Cali Bagadi.

Safaarada Soomaaliya ee uu safiirka ka yahay Danjire cali amerika iyo Xoghayaha koowaad ee safaarada ahna ku simaha Qunsulka safaarada ayaa wada saacadihii la soo dhaafay dadaalo ay ku soo sii daynayaan Boqolaal maxaabiis ah oo Ciidamada Kenya u xir Xireen Qarax habeen sadeaxaad lala beegsaday Masjidka Al-hidaaya oo ku yaala xaafada silii gaar ahaan afaafka hore ee Jum Street, kaas oo lagu Weeraray Xildhibaan Yusuf Xasan oo ah Xildhibaan laga soo doorto Degmada kama kuji oo dhaawac ka soo gaaray.

Cali bagadi ayaa saxaafada u sheegay in aysan sugaynin in la Xukumo balse ay goob joog ka ahaanayaan maxkamada gudaheeda.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Cabdixakiin441@hotmail.com

Cabdixakiin441@gmail.com

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 11 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented