Saddex qof oo lagu dilay Mombasa
Ciidamada booliiska Kenya ayaa toogasho ku dilay saddex qof oo looga shakiyay inay ka tirsanaayeen koox mintid ah, waxaana ay xireen toban kale magaaada xeebta ku taal ee Mombasa.

Afhayeen u hdalay booliiska (Aggrey Adoli) ayaa sheegay in saddexda nin ay xiriir la leeyihiin koox lagu magacaabo Golaha Jamhuuriga Mombasa (MRC), kooxdaasi oo ku baaqday in in gobolka xeebta uu ka go’o dalka Kenya intiisa kale.
Masuuliyiinta dalka Kenya ayaa waxa ay xireen inta badan hoggaamiyayaashii kooxda bishii Oktoobar,
Magaalada Mombasa ayaa waxa bilihii ugu dambeeyay saameeyay rabshado, iyadoo ay jirto cabsi sii kordheysa oo la xiriirta degenaansho la’aanta siyaasadeed ka hor doorashooyinka lagu wado in dalka ay ka dhacaan bisha Maarso ee soo socota.

