|

Xaasaska Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisal Wasaare Saacid iyo Guddoomiye Cismaan Jawaari oo Dhuula tus Siyaasadeed ku tagay Isbitaalka Martiini, Daawo Sawirada

Tani waxay qeyb ka tahay is muujinta Siyaasadeed ee Madaxda dalka Soomaaliya iyagoo ka faa’ideysanaya dadka tirada badan ee ku dhibaataysan gudaha Magaalada Muqdisho si ay uga helaan taageero ayay marwooyinkooda Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxay kaalmo looga dan leeyahay arrimo Siyaasadeed gaarsiiyan isbitaalka Martiini.
3 Da Xaas ee Madaxda dalka, Mida Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha
Agaasimaha isbitaalka Drs Caasha waxa ayna sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay booqashada ay maanta ku yimadeen marwooyinka madaxda Isbitaalka taasina ay tahay biloow wanaagsan.

Iyadoo faahfaahin ka bixinaysay Deeqda la gaarsiiyay Isbitaalka Xaaska Ra’iisal Wasaaraha Caasho Xaaji Cilmi ayaa sheegtay in ay gaarsiiyeen Isbitaalka deeq isugu jirto Hilib, Bariis, Caano iyo lacag ayna ugu tala galeen naafada kujirto Martiina
Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Xaaska Guddoomiyaha Baarlamaanka Marwo Xaawo iyo Xaaska labaad ee Madaxweynaha Soomaaliya Sahro Cumar Xasan.
Dadka dhaliila Siyaasadaha Madaxdan waxay leeyihiin tani ma ahayn deeq ka soo go’day qalbiga ee waxay ahayd Deeq Siyaasadeed oo looga dan leeyahay in lagu kasbado hantida qaranka taageero Siyaasadeed.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 10 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • abwaan: odagaan aal kuliistaha ah waxa uu ku hadlayo ayaan la yaabey walaahi in aan xasan shariif madax weeyne ahaan...
  • Matan: ACWB, War daarood iyo hawiye waxbo idiinma tarayaan ee eebe ka baqa oo camalkiinna wanaajiya, waxaad ku...
  • gabar galgaduud: ahoryaa aniga su aal aan qa baare majeerteen iyo ogaadeen iyo dhulbahant mawaxay dhasheen 1991...
  • Mmcaawale: War reer daaroodoow sidaan miyaa garashadiinii kusoo aruuurtay si kasta oo xaal noqdaba baahi ku heysa...
  • mire xuseen fandhe: ahahahahah waakan isku xaaray dee adeer kursiga ad ku fadhiso gus hawiye ayaa ku hoos jira iska...