|

Wasiirka Gaashandhigga iyo Saraakiil Amisom oo gaaray Magaalada Jowhar

Wasiirka gaashaandhiga dowlada C/xakiin X. Maxamuud Fiqi iyo saraakiil sarsare oo dhinaca ciidamada AMISOM iyo dowlada ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Wafdigan ayaa lagu wadaa in ay magaalada Jowhar kulamo kula yeeshaan saraakiisha ciidamada horkacaysa ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ee shalay la wareegay gacan ku haynta magaalada Jowhar.

Waxaana la adkeeyay ammaanka magaalada Jowhar iyadoo ciidamo badan lagu arkayo wadooyinka magaalada Jowhar. Madaxdan ayaa lagu wadaa in ay meel fagaare ah kula hadlaan shacabka ku nool magaalada Jowhar sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe.

Xubnaha wafdigan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeya ee soo gaara magaalada Jowhar tan iyo markii magaalada ay ka guurtay dowladii kumeelgaarka ahayd ee Cabdulahi Yuusuf Axmed horaantii 2006 magaalada Jowhar oo xarun u ahayd.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 10 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • abwaan: odagaan aal kuliistaha ah waxa uu ku hadlayo ayaan la yaabey walaahi in aan xasan shariif madax weeyne ahaan...
  • Matan: ACWB, War daarood iyo hawiye waxbo idiinma tarayaan ee eebe ka baqa oo camalkiinna wanaajiya, waxaad ku...
  • gabar galgaduud: ahoryaa aniga su aal aan qa baare majeerteen iyo ogaadeen iyo dhulbahant mawaxay dhasheen 1991...
  • Mmcaawale: War reer daaroodoow sidaan miyaa garashadiinii kusoo aruuurtay si kasta oo xaal noqdaba baahi ku heysa...
  • mire xuseen fandhe: ahahahahah waakan isku xaaray dee adeer kursiga ad ku fadhiso gus hawiye ayaa ku hoos jira iska...