|

Video: Radamel Falcao Oo 5 Gool Shabaqa Ku Hubsaday Xilli Atletico Madrid Ay Dubatay Deportivo.

Isla maalintii uu Lionel Messi jabiyay rikoorkii Gerd Muller, Radamel Falcao ayaa isna na xusuusiyay inuu tahay gooldhaliyaha ugu fiican caalamka waqti xaadirkaan.

26 jirkaan reer Colombia ayaa shan gool dhaliyay xilli kooxdiisa Atletico Madrid ay ku xasuuqday Deportivo La Coruna 6-0.

Marka ay weeraryahan timaado, xiddiga reer Argentine ayaa kugu soo dhacaya, laakiin hadii aad raadineyso gooldhaliye saafi ah, Falcao ayaa ah nin ay adag tahay in lagu garaaco booskaas.

Waxa uu qatar ku yahay kubada madaxa, rigooradiisa waa mid sugan, xagal kasta ayuuna gool ka dhalin karaa, waxa ay muuqataa in cidna aysan u babac dhigi karin.

Falcao ayaa 19 gool u dhaliyay Atletico Madrid 15 kulan oo uu u saftay xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan. Atletico Madrid ayaa ku jirta kaalinta labaad ee La Liga waxaana ay 6 dhibcood u jirtaa kooxda hogaanka heysa ee Barcelona.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 10 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • abwaan: odagaan aal kuliistaha ah waxa uu ku hadlayo ayaan la yaabey walaahi in aan xasan shariif madax weeyne ahaan...
  • Matan: ACWB, War daarood iyo hawiye waxbo idiinma tarayaan ee eebe ka baqa oo camalkiinna wanaajiya, waxaad ku...
  • gabar galgaduud: ahoryaa aniga su aal aan qa baare majeerteen iyo ogaadeen iyo dhulbahant mawaxay dhasheen 1991...
  • Mmcaawale: War reer daaroodoow sidaan miyaa garashadiinii kusoo aruuurtay si kasta oo xaal noqdaba baahi ku heysa...
  • mire xuseen fandhe: ahahahahah waakan isku xaaray dee adeer kursiga ad ku fadhiso gus hawiye ayaa ku hoos jira iska...