koonfur
allxamar
header logo-111
|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaati bilaahi ka taagan Ciidamadiisa iyo Madaxweynaha oo gacantiisa ka dhaawacmay, Daawo sawirada

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyey hadal muddo badan laga shanqar dhawrayey kaasi oo ku aadanaa ciidamada hubeysan ee magaalada dhinacba mar ugooshaya iyo muuqaalo cusub oo laga soo qaaday Madaxweynaha ayaa muujinaya inuu gacanta dhaawac ka soo gaaray, iyadoo dhaawac Madaxweynaha uu muujinayn Muuqaalada Sawirada si fiican gacamihiisa u eeg
Xasan Shiikh waxa uu tibaaxay in wax badan uu ku daalay maqalka rag ku labisan dareeska ciidamada ayaa dad ku dhibaateyey muqdisho,qaar way dileen,haween bay kufsadeen ama dhac bay geysteen taasina xal deg deg ah ayey dawlada ka gaari doontaa.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshe ah in dhamaan ciidamada hubeysan magaalada laga saarayo kuwaa oo xeryaha ciidamadana la geyn doono marka askariga uu soo baxayana ay noqoneyso kaliya inuu shaqo usoo aaday magaalada ama ehelkiisa uu fasax u’aadayo.

“Waxaan ku daalay Maqalka askari ku labisan dharka dawlada ayaa dad dhibaateyey laakiin muddo kooban lama maqli doono,mana ogolaan doono maleeshiyaad dharka dawlada ku labisan oo shacabka dhibaateeya ayuu yiri madaxweynaha”.
Bal si fiican u eeg gacanta Madaxweynaha waxaa ku xiran Faashad 

Sidoo kale Professor Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugacma haatiyey dhalinyarada udagaalameysa Al shabaab uguna baaqay inay kasoo baxaan dawladana ay soo dhaweyneyso.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa cod dheer ku sheegay inay mar walbo ku dadaalayaan sidii walaalahooda somaliyeed usoo dhaweyn lahaayeen hadii ay kasoo laabanayaan fikirka qaldan ee shabaabku wadaan.
Gacanta Madaxweynaha kor u taagayo eeg
“Dawlada Cafis way idiin sameyn doontaa insha allah waa hadii al shabaab aad kasoo baxeysaan,inan cafis idiin sameyn weyno waa mid aan macquul ahayn soo dhawada kasoo baxa al shabaab ayuu yiri madaxweynaha”.

Warkaan kasoo baxay madaxweynaha Somalia ayaa kusoo aadaya xilli dhibaato weyn shacabka muqdisho ku dhaqan ku qabaan maleeshiyaad hubeysan oo dadka dhac iyo dil ay kufsi haweenka ah dheer tahay kala kulmaan rag dareeska dawlada ku labisan.

Dadkii Madaxweynaha kula kulmay degmada Wada jir waxay arkeen Madaxweynaha oo gacanta ka xiran oo faashado uga duuban lama oga halka uu ku dhaawacmaylaakiin ma aha dhaawaciisa mid culus

 

Buuraleeyda Gal-gala oo Isku badali Raba Toora-boora {Warbixin}‏

Xaasaska Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisal Wasaare Saacid iyo Guddoomiye Cismaan Jawaari oo Dhuula tus Siyaasadeed ku tagay Isbitaalka Martiini

Waa maxay Sababta Wasiirada Arrimaha Dibadda uga baaqatay kulankii Maanta Baarlamaanka, Maxaase ka mid ah Su’aalaha la weydiinayo?

Muxuu ka yiri Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Dhismaha Dowlad Goboleedka Juballand iyo kaalinta kenya, Daawo

Boqorada Oslo Idil Barkhad Omar iyo Muuqaalka Heesteeda Beerdumar

 

Video: Radamel Falcao Oo 5 Gool Shabaqa Ku Hubsaday Xilli Atletico Madrid Ay Dubatay Deportivo.

 

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 10 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented