allxamar
|

Buuraleeyda Gal-gala oo Isku badali Raba Toora-boora {Warbixin}‏

Kadib markii ay kusoo jabeen dagaalada ay kula jireen ciidamada doowla iyo kuwa AMISOM, lagana soo qabsaday in badan oo kamid ah magaalooyinka bartamaha Iyo Koofurta Soomaaliya oo ay kamid tahay magaalo xeebeedka ku fiican ganacsiga ee Kismaayo, ayay madaxda Al-shabaab iyo dagaalyahanadoodaba waxay u jabeen ama uqaxeen Buuraha Gal-gala ee Puntland.

Abdullahi Ali Barre, waa Siyaasi Ganacsade reer Puntland ah, waxa uu leeyahay “doowlada ma lahan Ciidamo awood uleh ineey kahortagaan dagaalyahanada hubeeysan eek u dhuumaaleeysanaya buuraleeyda Gal-gala”.

“Buuraleeyda Gal-gala, waa buuro aad utixan islamarkaasna shabaha buuraleeyda Toora-boora ee Afganistaan, mana aaminsani in Ciidamada Puntland ay leeyihiin qalab sida diyaarado ka saacida ineey gaaraan buurahaas” ayuu sii daba dhigay Abdullahi Ali Barre.

Warbixin ay dhowaan soo saartay hay’ada QM uqaabilsan lasocodka xaaladaha Soomaaliya ee monitoring group, ayaa lagu sheegay in qaar kamid ah Al-shabaab ay kujiraan Ciidamada maamul goboleedka Puntland, sidoo kalena ay taageero dhaqaale kahelaan ganacsato kasoo jeeda halkaas.

Taageero deegaanka ah:

Al-shabab ayaa taageerada ugu weyn waxay kahelaan dadka deegaanka sida lagu sheegay warbixinta hay’ada QM hoostagta ee Monitoring group, waxaana ugu horeeya dadkaas Mohammed Said Atom, oo horay u ahaan jiray ganacsade ka baayac mushtara Hubka sharci darada ah, balse hada sicad usheegay inuu ugu biiray Al-shabaab.

Mareeykanka ayaa qarashaad ad ufarabadan waxa uu ku bixiyaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan (PIS) kuwaasoo ka howlgala Puntland looguna tala galay ineey ladagaalamaan dagaalyahanada Al-shabaab iyo burcadbadeedda.

Ciidamadan (PIS) oo in muda ah dagaal adag kula jiray dagaalyahanada ku dhuumaaleeysanaya buuraleeyda Gal-gala, ayuu mareeykanka ugu deeqay ookiyaalayaasha habeenkii ama xiliyada mugdiga wax lagu arko.

Mushkilada ugu weyn ee hada Puntland haysata waa Ammaanka, waxaana maalmihii ugu danbeeyay kadhacayay dilal qorsheesan iyo qaraxyo, iyadoona ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen dhowr mar rag ka tirsan Al-shabaab iyo waxyaabaha qarxa.

Abdiwahab Sheikh Abdisamed, oo ah siyaasi taxliiliya arimaha Siyaasada Soomaaliya, ayaa waxa uu sheegay in hadii aan lahelin Ciidamo si adag ula dagaalama dagaalyahanada hada isku urursanaya buuraleeyda Gal-gala ay markeey ahaataba lawareegi doonaan dhamaan dalka.

Xasiloonida hadda kusoo laabatay magaalada muqdisho iyo qaybo badan oo kamid ah magaalooyinka iyo degmooyinka ku xeeran, waxaa sababteeda leh dadaalka ay sameeyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa doowlada Soomaaliya, oo iyaga dagaalo adag kula jiray Al-shabaab 5tii sano ee lasoo dhaafay.

Inkastoo Al-shabaab laga saaray magaalooyin muhiim ahaa oo gacantooda kujiray sida, Muqdisho, Jowhar, kismaayo, B/weyne, Marka iyo magalooyin kaloo ku yala Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, hadana qatartooda waa mid jirta wali, oo waxay had iyo jeer dilal iyo qaraxyo ka gaystaan goobaha ay maamuusho doowlada.

Source:VOA

http://www.voanews.com/content/insecurity-in-puntland-underscores-al-shabab-staying-power/1561164.html

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 10 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented