17 sano kadib mucjisadii Higuita oo dib loo arkay
Taariikhdii mucjisada aheyd ee uu sameeyay Rene Higuita mudo haatan laga joogo 17 sano ayuu habeen hore adduunka dib u soo xasuusiyay mar kale markii uu lugihiisa gadaal gadaal dib ugu soo celiyo kubadda.
Mucjisadaan oo loo yaqaan Scorpion Kick ayaa waxey tahay xeelada iyo mucjiso u gooni ah goolhayihii hore ee Colombia kaasoo mar kale sameeyay ciyaar iskululeysi aheyd oo ka dhacday habeen hore India.
Ninkaan oo haatan 46-sano jir ah isla markaana ciyaaraha ka fariistay ayaa wuxuu u ciyaarayay habeen hore kooxda Indian All-Stars kuwaasoo Brazilian Masters kula ciyaaray garoonka Yubabharati Stadium.

Xeelada la yaabka leh ee Rene Higuita ee loo yaqaan Scorpion Kick ee uu mar kale ka sameeay ciyaartii Brazilian Masters iyo Indian All Stars in Kolkata (hoos ka sii eeg )
Markii ugu horeysay ee uu sameeyay waxey aheyd 1995 gaar ahaan ciyaar ka dhacday Wembley oo ay wada ciyaarayeen Colombia iyo England.

