koonfur
allxamar
|

Ozil oo Real badbaadiyay

Mesut Ozil ayaa ka farxiyay Real Madrid markii uu u dhaliyay 2 gool oo ka mid ah 3-2 ay kaga badiyeen Real Valladolid, natiijadaasoo Jose Mourinho 2 dhibcood oo kaliyaha ka hoos marineysa kooxda kaalinta labaad ee Atletico Madrid.
Real waxey u muuqatay in guuldaro kale ay ku dhici doonto markii 2 gool looga naxsaday kuwaasoo uu ka dhaliyay weeraryahanka reer Angola Manucho.

Karim Benzema ayaa kii hore soo bareejeeyay kii labaadna waxaa tirtiray Ozil ka hore intii uusan goolkii 3d dhalin daqiiqadii 72d.

Real Madrid, oo kaalinta 3d ku jirta waxey dooneysaa in horyaalkii labaad oo isku xiga ay hesho iyadoo leh 32 dhibcood 15 kulan oo ay ciyaartay. Atletico beri oo Axad ah waxey gurigeeda kula ciyaari doontaa Deportivo La Coruna.

Barcelona oo aan illaa iyo hadda laga badin waxey horyaalka ku hogaamineysaa 40 dhibcood waxeyna Axada la balansantahay Betis.

Malaga ayaa kaalinta 4d ee La Liga soo fariisatay markii Joaquin, Javier Saviola, Ignacio Camacho iyo Roque Santa Cruz ay u kala dhaliyeen 4-0 ay kaga badiyeen Granada.

Sunni Said Salah

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 9 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented