koonfur
allxamar
|

Gool Xilli Danbe Uu Dhaliyay Van Persie Oo Ka Saaciday Man United Inay 3-2 Ku Garaacdo Man City.

Kooxda Manchester United ayaa guul muhim ah ka gaartay kooxda Manchester City ka dib markii ay 3-2 kaga badiyeen, iyadoo dhamaadkii ciyaarta uu goolka guusha u dhaliyay kooxda United ciyaaryahan Robin van Persie.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xamaasad leh, iyadoo Manchester City ay kubada inteeda badan heysatay qeybihii hore ee ciyaarta.

Laakiin Man United ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 16aad markii Ashley Young uu kubad u dhigay Wayne Rooney kaasoo isna meel gees ah ka geliyay shabaqa.

Daqiiqado ka dibna waxaa Man City dhaawacan ahaan kaga baxay kabtankooda Vincent Kompany iyadoo uu bedelay daafaca dhexe Kolo Habib Toure.

Daqiiqadii 29aad ayaa Wayne Rooney uu hogaanka u sii dheereeyay kooxda Manchester United ka dib markii uu kubad ka helay Rafael oo uu dabamariyay goolhaye Joe Hart.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaana lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida aheyd ee Manchester United.

Daqiiqadii 59aad ee ciyaarta ayay Manchester United ku dhawaatay inay hesho goolkii seddexaad, laakiin kubad uu tuuray Van Persie ayaa waxaa ka beenisay birta, iyadoo Young uu ku celiyay balse waxaa laga dhigay offside.

Daqiiqad ka dib Manchester City ayaa gool soo ceshatay markii Sergio Aguero uu kubad u dhigay Yaya Toure kaasoo isna dabmariyay De Gea, iyadoo ciyaarta ay dib u soo noolaatay.

City ayaana u soo dhawaatay inay barbareyso ciyaarta daqiiqadii 78aad markii Nasri uu kubad qatar ah u dhigay Silva kaasoo isna kubadii uu tuuray ay ku dhacday garabka goolhaye De Gea ka hor inta aysan ku sii dhicin birta banaankana u bixin.

City oo kubada inteeda badan heysatay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaana heshay goolkii barbaraha markii Zabaleta kooner la soo tuuray uu ka faa’ideystay islamarkaana gool qatar ah uu ka dhaliyay goolhaye De Gea, waxaana uu ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah.

Manchester United ayaana mar kale hogaanka qabatay oo waxaa goolka guusha u dhaliyay Robin van Persie daqiiqadii labaad ee afar daqiiqo oo ciyaarta lagu daray, waxaana RVP uu shabaqa ku hubsaday laad xor ah oo uu soo tuuray.

Guushaan ay gaartay Manchester United ayaana ka dhigeysa inay hogaanka horyaalka kaga qabtaan deriskooda lix dhibcood oo nadiif ah, waxaana ay badiyeen kulankii ugu horeeyay ee Manchester derby ee xilli ciyaareedkan.

Red Devils ayaa sidoo kale soo gabagabeysay muddo labo sanadood ah oo Manchester City aan garoonkeeda looga badinin horyaalka Ingariiska.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 9 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented