|

Torres Oo Guushii Ugu Horeysay Gacanta U Geliyay Benitez, Iyo Arsenal Oo Garaacday West Brom

Chelsea ayaa gaartay guushii ugu horeysay ee tan iyo intii uu macalin u noqday Rafael Benitez ka dib markii ay 3-1 kaga badiyeen kooxda Sunderland, iyadoo Torres uu guushaasi gacan weyn ka geystay.

Chelsea ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 11aad markii karoos uu soo dhigay xiddiga reer Belgium Eden Hazard uu shabaqa ku hubsaday El Nino, waxa uu ahaa goolkii ugu horeysay ee uu dhaliyay Torres muddo 12 saacadood iyo bar oo uu garoonka ku jiray horyaalka Ingariiska.

Torres ayaana hogaanka u dheereeyay kooxda Blues ka dib markii uu gool u sarifay gool ku laad loo dhigay kooxda markii qalad lagu galay Ramires daqiiqadii labaad ee daqiiqadihii dheeriga ee lagu daray qeybtii hore ee ciyaarta.

Afar daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad xiddiga kale ee reer Spain Juan Mata ayaa Chelsea u saxiixay goolkoodii seddexaad islamarkaana ciyaarta ka dhigay mid hal dhinac ah.

Daqiiqadii 66aad ee ciyaarta ayaa Sunderland ay gool soo ceshatay iyadoo uu u saxiixay Adam Johnson.

Guushaan ayaa ka dhigeysa in Chelsea ay weli ku sii jirto kaalinta 3aad iyagoo leh 29 dhibcood.

Dhanka kale kooxda Arsenal aya 2-0 kaga talaabsatay kooxda West Brom, iyagoo soo gabagabeeyay seddex kulan oo isku xigta oo aysan guul gaarin horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa ciyaarta ku soo gashay iyadoo uu ka maqan yahay xiddigeeda Theo Walcott oo dhaawac ku maqan, halka Lukas Podolski oo shaki uu ku jiray uu ku soo bilowday kursiga keyda.

Kooxda Gunners ayaana hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 25aad ee ciyaarta markii rigoore lagu galay Santi Cazorla inkastoo rigoorada ay aheyd mid uu muran ku jiray.

Waxaa gool ku laadka u soo istaagay Mikel Arteta kaasoo shabaqa ku hubsaday.

Jack Wilshere iyo Gervinho ayaana fursado qaali ah ka qasaariyay Arsenal ka hor inta aysan soo dhamaan qeybtii hore ee ciyaarta.

Qeybtii labaad daqiiqadii 64aad ayay Arsenal hogaanka ciyaarta sii dheereysatay markii ay heleen rigoore labaad, iyadoo Brunt uu qalad ku galay Oxlade-Chamberlain.

Arteta ayaana u soo istaagay mar kale, sidii tii hore oo kalena ayuu shabaqa ugu hubsaday islamarkaana ciyaarta uga dhigay 2-0 oo hogaanka ay ku heysay Gunners.

Labada gool ee uu dhaliyay Arteta ayaa ka dhigeysa goolashiisii lixaad ee sannadkan 2012, waxaana goolashaas oo dhan uu ku dhaliyay Emirates Stadium.

Arsenal ayaa guushaan ka dib leh 24 dhibcood iyagoo soo galay kaalinta lixaad ee kala sareynta horyaalka Ingariiska.

Kulamada kale ee maanta kulan xiiso leh ayaa waxa uu dhexmaray Swansea City iyo Norwich, waxaana 4-3 ku badisay kooxda Norwich.

Halka kooxaha Wigan Athletic iyo QPR ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah, Southampton 1-0 ayay kaga badisay Reading, Aston Villa iyo Stoke City waxa ay isku macsalaameeyeen barbaro goolal la’aan ah.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 8 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented