allxamar
|

Muxuu ka yiri Madaxweyne Xasan Sheekh weerarkii bambaano ee lala beegsaday Xildhibaan Yuusuf Xasan?

Waxaa daqiiqado ka hor soo gaartay magaalada Muqdisho diyaarada Turkish Airways waxaana la socday Wafdigii madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyadoona wariyeyaasha halkaasi lagula hadlay.
Sida Akhristayaasheena uballan qaadnay Diyaarada Turkish Airways inay imaaneyso ayaa waxa kasoo dagay wafdigii madaxweynaha uu hogaaminayey Xasan Shiikh Maxamuud waxaana uu ka hadlay arimo ubadan Safarkiisii,ka hadalka qaraxyada kenya iyo heshiis ay wada gaareen labada dawladood ee Turkiga iyo Somalia.

Kadib soo dhaweyn madaxweynaha ay ku gacan salaameen madaxda dawlada mas’uuliyiin kale sida xubno wasiiro ahaa,xildhibaano ayaa nasasho kooban kadib hoolka shirarka garoonka waxaa saxaafada kula hadlay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo wafdiga hogaaminayey.

Professor Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu ka hadlay marka hore safarkii uu ku tagay dalka Turkiga isagoona sheegay inuu kulamo lasoo qaatay madax katirsanaa dawlada Turkiga sheegayna in sanadka cusub heshiis baaxad weyn kala saxiixan doonaan labada dawladood.

Madaxweynaha ayaa shirkiisa jaraa’id inta badan kaga hadlay arimaha Kenya iyo qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay halkaasi isagoo sheegay in waxyaabaha loo qarxinayo shacabka Nairobi deggan ay tahay maxaa utaageersan tihiin dawalda Somalia.

Waxa uu si kulul ucambaareeyey qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Nairobi ay waxyeelada kasoo gaartay shacabka somaliyeed ee Islii ku dhaqan gaar ahaan qaraxii xalay dhacay sida uu yiri.

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 8 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented