Madaxweyne Xasan oo soo dhoweeyay doorka Japan ee Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka Japan ay sida tooska ahi u taakuleyneyso dowladda Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta madaxweynaha ayaa lagu sheegay in tallaabada Japan ay sida tooska ahi ula macaalimeyso dowladda Soomaaliya ay tusaale u tahay kalsoonida sii kordheysa ee xiriirka ka dhaxeeya labada dal.
“Ahmiyadda xiriirka tooska ah ee lala yeelanayo dowladdeenna iyadoo aan naloo soo mareyn ururro kale waxay aasaas u noqon doontaa xiriir adag oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Japan,”ayaa lagu sheegay qoraalka oo lagu xiganayay madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan ayaa ku dhiirri-geliyay bulshada caalamka inay caddeeyaan taageerada ay u hayaan dowladda Soomaaliya iyo inay qaataan go’aan la mid ah kan dowladda Japan oo ah inay si toos ah ula macaamilaan dowladda Soomaaliya.

