koonfur
allxamar
header
|

Farxiyo Fiska oo looga baaqay inaysan ka jawaabin heesta Bashiir Hanuuniye Hooyadiisa sameysay

Dad badan ayaa ka yaabisay hees ay sameysay hooyada Bashiir Hanuuniye oo loo arkay inay fariin u tahay fanaanada Qaranka Farxiyo Axmed Cadaawe (Farxiyo Fiska).

Farxiyo Fiska iyo Bashiir Hanuuniye oo ah Musikista dhalay Fanaankii weynaa Cabdalle Yusuf Hanuuniye waxay mar sii horey noqdeen qoys wadaagay guur in kastoo markii dambe kala tageen.

Markii ay is fureen Labada fanaan ayaa waxay is weydaarsadeen heeso midba midka kale wax uga sheegayo.

Laakiin hadda arrintu way dhaaftay labada Fanaan ee Bashiir iyo Farxiyo waxay cagta la gashay qoyskii oo dhan, waayo dagaalka waxaa soo galay hooyada dhashay Bashiir Hanuuniye oo wiilkeeda orodka ah u sameysay hees looga digayo inuusan guursanin gabar nooca liita ah iyadoo markaas loo arkayay in hooyada Bashiir ka shalaynayso guurkii dhex maray Bashiir iyo Farxiyo Fiska.

Dad badan oo xiiseeya arrimaha fanka ayaa ka codsaday Farxiyo Axmed Cadaawe, inay ka jawaabin heestan maadama qofka soo sameeyay ay la mid tahay hooyadeeda oo kale.

Heestaan cusub sidoo kale waxaa laxanka saray Aabihiis Cabdalle Yusuf Hanuuniye heestaan ayaa ah hees hal qoys wada sameyen marka aad u fiirsato miraha waxaa samayay Hooyadiis,laxanka waxaa Saray Abihiis halka Music-ga uu ku laray wiilka heesta loo sameyay ee Bashiir Hanuuniye.
Waxaa kaloo yaab leh Maxamed Xasan Lafoole oo ah fanaan weyn ayaa ka ah heesta xariirin oo waa ninka ka faaloonaya bilawga heesta, si fiican u dhageyso

Maama Sureero waxay ahayd inay ka xishooto sameynta heestan waayo labada qof waxay u tahay waalid.

Erayada heesta waxaa ka mid ah “” Cadkii Ilahay Iga Beerow ,Curaadkaan jeclaayow ,Ku calool Nuglaayow ,Cawl iyo ilba la,aw, Cafimaad qab cudur la’i ,Cimri dheer cibaado leh cilad la’i ku noolow”

Laakiin qeybta dambe heesta ayaa waxay shidaysaa dab maadama hooyada Bashiir si toos ah u weerartay fanaanada kale ee Farxiyo Fiska marka la eego ujeedada heesta.

Haddaba taageerayaasha Farxiyo Fiska ayaa waxay ka codsanayaan inaysan wax jawaab ah ka bixinin heestan.

Daawo Heesta.

Heesta hore Bashiir u soo qaaday

Heesta Farxiyo horey u soo qaaday

Email: newsomali2@gmail.com

Posted by on Dec 8 2012. Filed under Maqal & Muuqaal, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented